Monday, 4 February 2019

SHIRIB ABWAAN QALBI-NUUR

Shiribkan waxaa tiriyay Laashin Sh. Nuur Hilowle Macalllim (Qalbi Nuur) 4ti Febraayo 2017 waa afar maalmood ka hor doorashadii MW Farmaajo.
Tilmaamaha maanso ee uu shiribku bixinaayo iyo nuxurkiisuba aad ayay u sarreeyaan waxayna ahayd talo habboon.
Laashinku wuxuu kula hadlayay xildhibaannada.
Laba sano ka dib, aragtidaada, xildhibaannadu taladaas ma haleeleen mise way seegtay?
-----
Fadlan golaha noo fadhoow...Firqooyin badan foot (vote) ha siin;
1. Fuuqsade feen-kama-tagaa...Oo fara-gooya foot ha siin.
2. Fattaan qabiil-ku-faan ahoo, Ficiltamaaya foot ha siin.
3. Fulay faciis-ka-roor ahoo....Far loogu yeero foot ha siin.
4. Nin fudud oon fariin lahayn...Kala firdhaaya foot ha siin.
5. Fered qabe fadhiid ahoon...Wax ku filnayna foot ha siin.
-----
Adaa fagaaraha fadhee...FARIIDKA feermaada sii
Ama fuluus ku fac naqoo....Qaranka feylihiisa goy.

Sunday, 29 July 2018

PUNTLAND IYO MG KALE: FARQIGA U DHAXEEYA

Waxaa Qoray: Cumar Cabdullahi Cumar
-------
PUNTLAND maxeey ku gaartay heerka ay taagan tahay, Dowlad Goboleedyada kalana maxaa dhigay meesha ay maanta yaallaan?
Hooyada Federaalka Soomaaliya, PUNTLAND, caruur ma dhalin, waxeeyse isku soo aruursatay caruur koris ah (adoption) oo nolosha qoys dhisan in ay noqdaan aan u tarbiyeysneyn . Mid la arkaa wuxuu raadinayaa uun wax uu cuno kaliya, kama maqno mustaqbal hagaagsan. Maxaan ula yaabayaa, marba haddeysan fahansaneyn Qoyskan Federalka ah sida ay ugu dhax noolaan lahaayeen, baddalkeedina caqliga uu ka galay caloosha, in labuuxiyo kaliyana ay u nool yihiin.
Puntland marka aad ka eegto magaca aan soomaaliga aheyn iyo qaabka loo maray aasaaskeedaba, waxaa kugu soo dhacaayo Somaliland. Waxa ay ku kala duwan yihiinna waa in uu midna gaar uga istaagay Soomaaliya inteeda kale, midka kalana uu dhistay nidaam bilow u ah Soomaaliya cusub oo federal ah.
Wax badan kuma fogaanayo wixii laga soo maray dhismaha Puntland, waxa aan ka xusayaase qaabkii loo dhagax dhigay oo aheyd in shir weyne loo qabtay beelaha deggen goboladaas, ayna kasoo qeyb galeen odayaashi dhaqanka oo isugu jira duubab/isimo iyo nabadoonno, culimaa'udiin, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato, u dhaqdhaqaayaal bulsho oo rag iyo dumarba leh iyo cid kastoo magac iyo maamuus ku laheyd beelaha degaanka iyo guud ahaan soomaalida dhaxdeeda. Waxey ku heshiiyeen in ay sameystaan maamul leh hannaan dowladeed oo dhameystiran, leh golayaal kala madax bannaan, leh ciidamo amni iyo hay'ado garsoor. Iyo tan ugu muhiimsan oo ah in ay qorteen axdi bulsho oo raalli laysaga yahay.
Laamaha dowladda waxaa ka soo dhax muuqday dad magac ku dhax leh soomaalida, xilal waaweynna kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray. Haddeey tahay xukuumad, Baarlamaan, hoggaanka ciidamada iyo garsoorkaba waxaa isugu tagay dad qibrad u leh dowlad nimada. Duruufihi waagaas jiray dartood, tayadooda iyo tabartoodaba ha iska liidato, laakiin dowlad dhameys tiran bey aheyd. Wax ay kacaa kufto oo mararka qaarna khalkhal galaaba, weli halis uma galin in ay burburto. Sababtuna waxey aheyd in aas-aaski horaba uu dhagax adag ka sameysnaay. Waxeey soo gaartay marki dambe in doorashadi uu ku soo baxay Dr. Cabdiweli Gaas oo tartan adag uga guuleystay Dr. Cabdiraxmaan Faroole, loo madax banneeyay guddigii qabanqaabada oo si siman ula dhaqmaayay madaxweynaha xilka haayay iyo murashixiintii kale. Waxaa si gaar ah iisoo jiitay, oo aanna ku faanayaa waliba inuu ahaay shaqsi soomaali ah oo sharaf badan, taliye Gen. Siciid Dheere oo dowr shariif ah ka qaatay xilligii doorashada. Middaan foodda inagu soo haysana waxaan rajeynayaa in ay kasii qurux badnaato tii kal hore, iyadoo waliba sare u kacay dhaqaalihii iyo bilicdii magaalooyinka. Kaabayaal dhaqaale oo badanna la hirgeliyay.
WAATAHAY! Aan usoo gudbo maamuladan kale ee ku dhismay uun sideen ku bariiseysannaa. Dhammaan waxeey isaga mid yihiin: in ay ka taliyaan caasimadaha kaliya. Laguma soo dhisin shirar dib u heshiisiin oo dhab ah. Waxaa beelaha matalaayay odayaal gacan ku sameys ah iyo qaar la sheegay in ay soo wakiisheen Duubabkii dhaqanka. Xildhibaanada oo leyska soo qortay qofkii la rabo. Marka laga reebo madaxtooyada, uma dhisno hay'adihi kalee dowliga ahaay. Ma shaqeeyo baarlamaankooda illaa mar ay hunguri doon yihiin ama uu madaxweynaha u yeerto maahane. Hay'ado amni iyo garsoorba iska illow.
Waxaa u shaqo taga oo xilal ka qabta maamuladaan, dadka xiiseeya siyaasadda, oo ama darawal u ahaan jiray qof mas'uul ah (siyaasi), ama BBC iyo VOA aad u dhageysan jiray doodaha ka baxa. Tayada dadka ku jiro Baarlamaanada, golayaasha wasiirada, saraakiisha ciidamada iyo garsoorka magac-uyaalka ahba, haddaad u fiirsato waxaa kugu soo dhacaayo raggii ka dhax qaraaban jiray guryaha qabqablayaashii dagaalka. Qof kastoo sumcad lehna haddii la weydiiyo, inta uu xil qaran ka helaayo, bal in uu Dowlad Goboleedkiisa wax kasoo badali karo, wuxuu u qaadanayaa in la af lagaadeynayo.
Waa yahaye, Marfish la isaga marqaamo miyaan maamul gobaleed ku tilmaamnaa? Mise Mashruuc ay rag lacago ku aruursanaayaan ayaan dowlad ugu yeernaa? FEDERALKU sow ma aheyn in gobol walbo isa soo dhiso, ilihiisa dhaqaalana horuu mariyo, mise MICHAEL KEATING kista uu bixiyo magac lagu cuno ayuu ahaay, AMISOM na ay dusha ka ilaaliso?
Magaciin ba'yee, meesha hanagu habsaaminina, ama wax muuqdo oo macno noo sameynaayo noo hagaajiya. Dad mudanoo milgo lehna madax nooga dhiga.
WAAD KU MAHADSAN TAHAY AQRINTAADA. 

Tuesday, 1 May 2018

AFFARREEY: AYAX GUURAY Sh. Cali XIIRANE iyo Indhageelle

Sh. Cali Xiirane
SETTEEMBAR 2010-ki ayuu walaalkey Abwaan Sh. Cali Maxmuud CabdirRaxmaan (Sh. Cali Xiirane)  ii soo diray tuducyadan hoose.

Waxaa abwaanka filan-waa ku noqotay sidii xaalku ahaa bixitaankii Ciidankii Xabashida ka dib wuxuu sidoo kale qawaday aammusnaanta waxgaradka iyo hal-abuurka.

Isaga oo aniga igu hal qabsanaya ayuu yiri:

Ayax guuray eelkuu ka tagaa waayo la arkaaye
Afka hayso mooyee arrini waa alloow sahal e
Haduu ruux afmaal hore ahaa aayarsuu yiriye
Indhageelle abwaankii ahaa waa kan aamusaye
Ilaahoow amuurteenna sahal waad na aragtaaye.

Waxan u sheegay inaan la qabo saluugga, waxaan sidoo kale u muujiyay inaanan aamusnayn walow xaalkaygu ahaa sidi abwaankii Barkhad-Cas "Aan ooyee albaabka ii xira". Nuxurka farriintaydu waxay ahayd in dhibka jiraa xanuun badan igu hayo aanna dareemayo aananse ka aammusnayn balse aan siyaabo kale wax u nudayo.

Jawaabtii aan u diray waxay ahayd:

Ayax tegay waxaa nooga daran eegga saan nahaye
Waxaa dhici amuuraanan filan abad ya sooyaale
Akhwaan Sheekha iyo looma turo oday cirroolaahe.
Waayeel iyo islaamaba bagaa lagaga oysiin e
Aarmi baa ku foorara khalqigi idil dhulkeenniiye

Waa taa iskuulladi xirmeen ino yar mooyaane
Waa taa ashyaakhdii qaxdaye jaahil Ow yahaye
Alif laguma dhigo oo dugsiyo irridda loo laab ye

Uurku way holcaayaa Calow unugaydiisiiye
Afka haysan maayee wax baan ila-xiraayaaye
Kama aamusine meelahaan agagafeeyaaye
Ardaayada gadaashooda baan aayar xulayaaye
Adigoon i arag baan intaa aarmi ridayaaye
Aakhirkiyo dib baan waayo kale arrinsan doonnaaye
Idan EEBBE waan gudi haddaan iilka lay dhigine
----

Tuesday, 23 January 2018

HA KA CABANNIN WAAYAHA

Haddaad nabad cawaynayso
Cabsi baa dad ladi waayay
Haddaad cagaha maalayso
Curyaan duul ah baa jooga
Haddaadan cimil ku soo toosin
Dad baan caafimaad haysan
Ha ka cabannin waayah e
Ku xirnow Caziizkaa oo
Iimaanso calafkaaga
Cawo iyo nasiibkaaga!
----
Jaalle Indhageelle 20181023

Tuesday, 12 December 2017

ALLAH AYAA NOLOSHA ROGROGA

Nolosha ma jiro qof ku waara xaalad gaar ah oo ALLAH ayaa rogroga.

Qofka awoodda ama xoogga leh oo madax ah ama hanti haystaa abidkii sidaa iska sii ahaan maayo midka daciifka ahina maalin ayuu heer fiican gaaraa.

Midka xanuunsani mar buu ka kacaa halka qof iska fiyoobaa ay tii ALLE u timaad si kadis ah.
------
Ruuxa maalmo taliyee
Sanka taaga waayo ba
Mar buu tabar darreeyaa

Taagooluhuna beri buu
Eebbaha Tawaabka ah
Taageero ka helaa
Oo loo xiraa taash (taaj)

Ruuxa taah la reemaa
Mar bey towstu daysaa

Mid aan talal lahayn oo
Taagnaa aroortina
Tacsi loo dhigaa galab

Taxanaha ayaamuhu
Talantaalli weeyaan
Waana talo Ilaahey
-----
Jaalle Indhageelle 20171213

Thursday, 9 November 2017

FARRIIMAHA QORAALKAAGA U MEEL DAY

Qoraal kasta oo aad bulshada u soo bandhigto waa muraayad laga ogaan karo shakhsiyaddaada, waa farriin aad dirayso una dirayso dad kala duwan, waxaa ka dhalan kara wanaag ama xumaan.
Sidaa darteed waxaa habboon:

B- Inaad iska ilaaliso wixii qofnimadaada dhaawici kara, sida; Diin-ka-dheerida, qabyaaladda, aflagaaddada, beenta iwm.

T- In farriintaadu caddahay ood adeegsato hab-qoraal la aqrin karo lana garan karo. Nuxurka farriinta ka sokow waa inaad Far Soomaaliga is sax ah u qortaa.

J- Umadda u soo gudbi wax wanaagsan sida; aqoon aad leedahay oo aad noo kordhinayso, warbixin -wax aan moog nahay oo aad noo sheegaysid-, inaad ka talo bixiso waxyaabo aad waayo-aragnimo u leedahay, maaweelo iyo kaftan iwm.
-------

WQ: M. M. 'Indhageelle'

Friday, 18 August 2017

Xaaji Cali C/Raxmaan Fiqi: Jiin yeen, jabow aadmi Ma jalbeebanaysaa.

Meerisyadan oo ka mid ahaa masafo dheer waxaa tiriyay, ALLAH ha u naxariistee Xaaji Cali C/Raxmaan Fiqi oo noolaa bartamihii qarnigii 18aad ilaa 1850-52 oo uu Marka ku xijaabtay.
Wuxuu ahaa caalim diinta faafiya wuxuuna joogi jiray Xijaaz (Sacuudiga) iyo India oo uu ka dhisay masjid ilaa hadda la yaqaan.

Dooxada Nugaaleed ayuu muddo xer badan Diinta ku bari jiray ilaa uu markii dambe u soo wareegay xeebaha Banaadir.

Xogta Sheekha iyo meerisyada jiiftadan uu tiriyayba waxan ka soo guuriyay Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta ee uu Axmed Faarax Cali #IDAAJAA u qabtay laanta Af Soomaaliga ee VOA.

Wuxuu, Rabbi ha u naxariistee, sheekhu yiri:

-----
Jiin yeen, jabow aadmi
Ma jalbeebanaysaa

Jid xun baad ku soctaaye
Jiscin maw helaysaa

Jeesjees miyaa ku habban
Nin asaaggi jiifsaday

Jaankaaga wax fuuli
Jid siraad ma moog tahay

Ninna jaamo uma tolan
Joombiyad na ka af badn

Jileeciisu waa sida tin
Jaahiisna uma kaco

Ninkaan jiirta laga saarin
Duul Jahannamaad noqoy

An la iima jilib dhigo iyo
Jina-tuurku waa been

Muslim waysku wada jooge
Jinni yuusan kuu talin

Nafta waad jeclaydeen e
Jarka hayska xoorina

Jahannamiyo ololkeeda
Ma nin jiir u laa jira

Waa taad u wada jeedday
Ragga jowhartiisii

Maxaa niman jammaamiir ah
Jeexa looga soo kacay

Malaggii jujuubahayay
Ad ma joojinaysaa

Jeer-dhaafki Nabi waayay
Ma jeclaysanaysaa

Qabrigiina kuu jeexan
Loxodkiina kuu jaran

Jiirkaaga dixiraa leh
Meelaha jinaadkaa

Lafta joofa baa hari
Saantaada jilifta ah

Jeer hore waxaad falatay
Jildigaa ku marag kici

Warqad beri ba lagu jiiday
Jeebkaa laguu gelin

Wax adduunki lala joogay
Ma jikaartan baa jira

In qiyaame jiri doono
Ninna yuusan jaaxidin

Jimcahaa dadkuu maraga
Jinnigiyo wannaaskaba

Jalaalaynku wuxu sheegay
Ma ku jaaxidaynaa

An juujaa u dhiman maayo
Aan wax ba iiga juusayn

Adna waano uma jeeddo
Anna waaban jiijaday

Haddii aadan jaqahayn
Hadalkayga jowhara

Jinnigii isha caddaa iyo
Jafariinle kuu tali
----

Wednesday, 26 July 2017

HAGARDAAMO

Ururradii ama jabhadihii dalkeenna ka curtay siddeetameeyadii qarnigii hore waxay ummadda ugu soo marmarsiyoodeen inay ka tuurayaa heeryadii Kacaanka ayna u horseedi doonaan nolol iyo maamul ka wanaagsan kii towriga ahaa.

Inay ka raayaan ha joogtee, way ka dareen oo dhibo aan la koobi karin ayay shacabkii u gaysteen, bur bur qax, dagaallo qabyaaladaysan iyo waxyaabo kale oo way habaarsadeen.

Maansadan HAGARDAAMO oo aan tiriyay 09/05/1996 arrintan ayay ku saabsan tahay.

Ururrada halaaggee
Haybaddeeni lumiyee
Ku adeegta haybtee
Hebelladu wataanow
HALOW may maqlaysaan

Hal abuurka gabaygiyo
Howraarta maansiyo
Halka laydin leeyahay
Hoos miyaad u dhugataan

Ururrada halaaggow
Waxba yaanad hogadiyo
Hanfidiyo kulaylkii
Har qabow ya raaxiyo
Hoos noogu dourine

Waxba yaanad heerkiyo
Halkii aan sugayniyo
Hammigeenni gaarine

Waxba yaanad hiil iyo
Hoo nagu gar gaarine
Waxba yaanad hoog iyo
Halis naga bad baadine

Waxba yaanad hebed iyo
Hayin noo ahaannine
Ummaddo hanqaarrayd
Waxba yaanad hogob iyo
Howd caleen leh gaynine

Holac iyo kulayl iyo
Hongorriyo war yaydnaan
Hafeef naga baxnaanine

Haddaynaan halaaggiyo
Noo horseedin baaba’a
Hilibkeenna cayriin
Aydnaan u warin haad
Haddaydnaan isma hurtada
Hayb hayb isugu layn

Haddaynaan kun haaddiyo
Kun ka daba hablaysoo
Haybaarinaysiyo

Xayn kaloo habowdoo
Ka huleeshay Diintiyo
Hiddihii wacnaa iyo
Hablo laysu guurshiyo
Hub-qaad wiil ahoo gaal
Ardaa kula hoyaadoo
Haweenaysanaayiyo

Horin maanyo qaaddoo
Ku halaagmay gebi iyo
Howdka qaar ku lumay iyo
Hal lawaayay naga dhigin

Haddaynaan halyeeyiyo
Gebi howlkarradi iyo
Hooyiyo sibyaantiyo
Hudqaylladi innaga marin

Hayinkii la dhaanshee
Cunay heeryadiisiyo
Aydnaan noqon halkii gabe

Haddaynaan huf iyo been
Iyo hees walwaaleed
Huuhaa innnagu sabin

Haddaydnaan na badin halis
Haddaynaan dab nagu hurin
Haddaydnaan huf naga dhigin
Haddaydnaan hog nagu ridin
Haddaydnaan hul nala gelin
Haddaynaan hankeenniyo
Dilin haybaddeennii

Idin maaban hiifeen
Maansadan ha’layda ah
Habeennimo ma tiriyeen
Haaraamid iyo liid
Idinmaan hibeeyeen
Bulshaduna dul iyo hoos
Idin may habaarteen

Hoy hoy waryaadaha
Ummad waxad halaagteen
Hanti waxad bur buriseen
Howzer waxad ridayseen
Halgan waxad ku daasheen
Halkee baad ku gaarteen

Hubka laba dhacleeyiyo
Hoobiyihiyo taangiga
Heedhe yaad u sidataan

Halgankaan dhammaanine
Had ya goor la sheegiyo
Hididiilladiinnani
Halkee bay ku idishahay
Hadafkiinnu waa maxay

Kollay haanti marataye
Ma inaad haruubkana
Hambashada ku dhiman iyo
Hoorkaba liqdaan baa

Aabbihii halaaggiyo
Halyaygii kacaankiyo
Ma inaad habaar qabe
Halkiisii gashaan oo
Ninba haybta tiisa ah
Halka ugu sarraysiyo
Hoosta ugu dambaysee
Gebi howsha qarankaba
Laga hago ku ururshaa

Heerkay maanta joogtiyo
Siday haatan tahay iyo
Ma inaad halkeennaa
Nagu haysataan baa

Hayhaata weeyaan
Hammigiinni waa ba’ay
Maalintay habboonayd
Dadku heellanaayeen
Halhayskiinna been iyo
Halki aad tiraahdaan
Halhaleel ayidayeen
Hoostiinna joogeen
Xoog iyo hantiyo maal
Iyagoon hagranahayn
Idiin wada huraayeen

Adinkaa hareer maray
Hilinkii wacnaa oo
Hasha caanaheedii
Heshiis maali waayaye
Haatanoo kor iyo hoos
Hagardaammadiinniyo
Booraanti hadimiyo
Hoddii lagu baraarugay

Haldhaa waxad masloon tiin
Habeen uu u dumayoo
Gudcur uu hareeyoo
Hareer uu u leexdiyo
Garan waayay hilinkii

Ama ruux hir qaadoo
Ku harqaday bad wayntoon
Holi karin dabaal oo
Xunbo gacan u haadiyay

Intaan hadallo soo iri
Halla kama jiraan iyo
Huuhaa iyo haddii aad
Hanjabaadya bootiyo
Mooddeen huf iyo been

Had dhow waxannu dhowrraa
Sida ayga haramkoo
Harka maalinnimadii
Soo maray haloosiye
Haweenkiyo carruurtii
Hareer kala mareen ooy
Hanqar kaga dhigeen dhagax
Hooshna ay ku qaadeen

Adinkoo habkaasoo
La hal maala kalabkaa

Intay hadi haddeer tahay
Haajiroo innaga taga
U hayaama meel kale
Hortiinnana shar iyo baas
Hoog iyo mixniyo belo!!

Waxaa Tiriyay:
Muxumed Max’d ‘Indhageelle’
Muqdisho - 09/05/1996

Sunday, 23 July 2017

LIBIN NINKEED BAA LEH

Rag sooc ah oo ku hubaysan waran, fallaar, tooreey imw ayaa beri loo diray inay soo dilaan libaax deegaankooda dhib ku hayay oo dad iyo duunyoba galaaftay.
Way raadiyeen aakhirkiina way heleen. Sida la fili karo raggii badi way baqeen markii ay libaaxa indhaha ka qaadeen. Ha yeeshee geesi guutadi ka mid ahaa ayaa libaaxii u bareeray oo dhowr jeer waran iyo ableyba la helay. Wiilkii laftiisana dhaawac xun baa gaaray.
Libaaxii iyo inankii oo isku ag dhacay ayay raggii geedaha gadaashooda ku dhuuntayi mar qur ah mud soo dhaheen dabadeed libaaxii oon tabar hayn oo naflacaari ah ayay mayd-dileeyeen.
Intaa ka dib, guutadi waxay reerihi ku laabteen iyaga oo sida wiilki oo dhaawac ah iyo madaxii libaaxa (madaxa oo la keeno waxay caddeyn u tahay in asuudki la dilay).
Oday malaha duullaanka u da' waynaa oo sidi howlgalku u dhacay bulashadii warbixin ka siinaya ayaa ayiri "Halkaas iyo halkeer baannu ka raadinnay....oo halkaa iyo halkaa baan sii marnay....barqadii isaga oo geed jiifa ayaannu helnay oo kolkaa warmaha halgaad uga dhignay....."
Odaygii oo halkaa sheekadii marinaya ayaa inan raggii ka mid ahaa qaadan waayay sida uu odaygu u libin-xasdayo wiilkii aarka dilay. Inta uu is hayn waayay buu yiri " Adeer, bahalka nin baa dilay una dilan ee ma la halakaysanayaa...!?"
Dhab ama sheeko-xariiro tey doonto ha ahaato ee, dulucda sheekadu waa in LIBINTA LOO QUURO RUUXA LEH ee  aan la halakaysan!

Wednesday, 24 May 2017

DHALLINTA DALKU MA WADA AHA JAAHIL IYO JIRRI

Dalka waxaa jooga dhallinayaro aqoon leh, xog-ogaalna ah oo dalka gudihiisa ku sugnaa muddoo dheer waxna ku bartay aanna dhan uga bixin teer iyo maalintii ay dhasheen. 

Way tiro badan yihiin xirfado kala duwan ayayna barteen iyada oo ay u dheer tahay inaysan dalka meelna uga socon haddii aan taas dadab ama toos loogu dhalin.

Haa....Waa haddii aan lagu dhalin! Waxyaabaha ku dhalin kara waxaa ka mid ah in shaqa bixinta dalka lagu daro -ugu yaraan si dadban- shardi ah in qofku qurbaha ka yimid.

U fiirso boqolkii imisa xildhibaannada, wasiirrada, taliyayaasha, agaasimayaasha, guddoomiyeyaasha iyo mas'uuliyiinta kale ee heer qaran ama gobol ayaa dibadda ka yimid? Waa intooda badan sow ma aha? Haddaba sow tani ruuxa dhallinyarada ah kuma dhalin karto inuu tahriibo si uu mustaqbalka tixgelin u helo.

Dhallinyarada dalka joogta intooda badani waa kuwo ka xalan dhaqamada xunxun xaq bayna u leeyihiin in la siiyo tixgelinta 1aad MAR KASTA ee ma aha in howl ay qaban karaan ay marti uga ahaadaan qaar iyaga la mid ah ama kaba sii liita.

Xaashaa lillaahi, ujeedkaygu ma aha inaan faquuqayo qurbo-joogta ha yeeshee waxan meesha geli karin in dhallinta dalka jooga oo aan shakhsiyan xogogaal u ahay aqoontooda, kartidooda iyo daacadnimadooda la fogeeyo oo meesha laga saaro oo waxba ama wax yar uun loo oggolaado.

Waxaan hubaa in madaxdu aysan xog badan ka haysan aqoonta iyo kartida wiilasha ama abadhaha dalka jooga ayna ku qafilan tahay la-ahaansho (perception) aan sal lahayn oo ah in dadka dalka joogaa ay yihiin jaahiliin iyo jirri. 

Sida aan ka maqlay RW Khyare, mujtamaca 70% waa dhallinyaro marka fikirka ah in dadka intaa la eg la is moogaysiiyo waa qallooc, waa cadaalad darro, waa talo xumi, wuxuu hab-dhaqankani si toos ah u dhiirrigelinayaa tahriibka iyo kaba sii darane in la nebcaysto dowladnimadaba sidoo kale waxaa sii fogaan kara in Soomaaliya ay ka soo kabato dhibtii. 

Si looga badbaado dhibaatooyinka kore ee ka dhalan kara hab-dhaqankan waa in dhallinta la siiyo mudnaantooda si taas loo helona waxan soo jeedinayaa;

(B) In madaxdu baaritaan ku sameeyaan kuna baraarugaan heerka aqooneed iyo karti ee dhallinta dalka joogta ayna abuuraan xafiis u xilsaaran xiriirka dhallinyarada hadduu jirona la xoojiyo kaalintiisa

(T) In saxaafadda, jaamacadaha iyo macaahidda dalka ku yaal ay u ololeeyaan xaqa dhallinyarada oo ay qabtaan barnaamijyo iyo doodo arrintan ku saabsan si farriintu u gaarto madaxda.

(J) In dhallinyaradu samaystaan ururro u dooda una ololeeya kaalintooda. Waxaa wnaagsanaan lahayd inay lahaadaan faracyo ku salaysan xirfadahooda kala duwan. Waana inay ka fogaadaan qabyaaladda oo ah midda dalkeenna iyo dadkeenna ba la hartay oo magacii Soomaaliyeed dishay ee is walaashadaan meel kasta oo ay joogaanna ay xirfad-wadaag noqdaan.

(X) In dhallinyaradu ay si aan qalalaase lahayn uga gadoodaan bannaankana keenaan gardarrada ka dhanka ah iyaga oo ku soo bandhigaya saxaafadda, kulamo ay qabsadaan iyo baraha bulshada.

(KH) Dhallinyarada dal-joogga ahi waa inay difaacaan oo garab u noqdaan kuwooda xil ama mas'uuliyad haya haddiiba la doono in si caddaalad darro ah xilka looga qaado.
------
Mahahdsanidin.

Muxumed Indhageelle.