Tuesday 1 May 2018

AFFARREEY: AYAX GUURAY Sh. Cali XIIRANE iyo Indhageelle

Sh. Cali Xiirane
SETTEEMBAR 2010-ki ayuu walaalkey Abwaan Sh. Cali Maxmuud CabdirRaxmaan (Sh. Cali Xiirane)  ii soo diray tuducyadan hoose.

Waxaa abwaanka filan-waa ku noqotay sidii xaalku ahaa bixitaankii Ciidankii Xabashida ka dib wuxuu sidoo kale qawaday aammusnaanta waxgaradka iyo hal-abuurka.

Isaga oo aniga igu hal qabsanaya ayuu yiri:

Ayax guuray eelkuu ka tagaa waayo la arkaaye
Afka hayso mooyee arrini waa alloow sahal e
Haduu ruux afmaal hore ahaa aayarsuu yiriye
Indhageelle abwaankii ahaa waa kan aamusaye
Ilaahoow amuurteenna sahal waad na aragtaaye.

Waxan u sheegay inaan la qabo saluugga, waxaan sidoo kale u muujiyay inaanan aamusnayn walow xaalkaygu ahaa sidi abwaankii Barkhad-Cas "Aan ooyee albaabka ii xira". Nuxurka farriintaydu waxay ahayd in dhibka jiraa xanuun badan igu hayo aanna dareemayo aananse ka aammusnayn balse aan siyaabo kale wax u nudayo.

Jawaabtii aan u diray waxay ahayd:

Ayax tegay waxaa nooga daran eegga saan nahaye
Waxaa dhici amuuraanan filan abad ya sooyaale
Akhwaan Sheekha iyo looma turo oday cirroolaahe.
Waayeel iyo islaamaba bagaa lagaga oysiin e
Aarmi baa ku foorara khalqigi idil dhulkeenniiye

Waa taa iskuulladi xirmeen ino yar mooyaane
Waa taa ashyaakhdii qaxdaye jaahil Ow yahaye
Alif laguma dhigo oo dugsiyo irridda loo laab ye

Uurku way holcaayaa Calow unugaydiisiiye
Afka haysan maayee wax baan ila-xiraayaaye
Kama aamusine meelahaan agagafeeyaaye
Ardaayada gadaashooda baan aayar xulayaaye
Adigoon i arag baan intaa aarmi ridayaaye
Aakhirkiyo dib baan waayo kale arrinsan doonnaaye
Idan EEBBE waan gudi haddaan iilka lay dhigine
----