Wednesday 8 November 2023

IKHYAARTA AGTOODA HA KU BADNAAN SI AADAN U NICIN

 

NOLOSHA AYAAN KA BARTAY!

Dadka kuwa agtaada ku wayn ee wax ka qaadato; aqoon, wacdi, waano ama talo guud oo noloshaada wax ku kordhiya ku dadaal inaadan la sheekaysan muddo dheer adinka oo keligiin ah. Haddii ay lama huraan noqoto inaad keli la ahaatona sheekadiinna ku soo koob hadba inta baahidu tahay.

Tusaale haddii aad arrin kala tashanayso u gudbi arrintaada ka dibna marka uu taladiisa ku siiyo u mahad celi kana tag. Sababtoo ah haddii aad isku daahdaan waxaa dhici karta in hadalku bato oo uu meesha soo galo kaftan adiguna aad qalad u fahamto kaftankiisa, in uu afaare qof kale ka hadlo adigana ay kula noqoto inuu xanlow yahay ama ba uu ku kaco wax uun keeni kara in ay hoos u dhacaan milgihii iyo xusmaddii uu qofkaasi agtaada ku lahaa kulana noqdo qof iska caadi ah oo aad hoos iska tiraahdo "O ooh! hebel ma sidan ayuu ahaa" taasi oo sababi karta inay meesha ka baxaan aqoontii, talooyinkii iyo guud ahaan waxyaabihii aad ruuxaas ka kororsan jirtay. Ogow qofku heer kasta oo uu gaaro waa uun bashar dadka qaarkoodna (xitaa kuwa ikhyaarta ah) marka ay bulshada dhex joogaan iyo marka ay keli yahiin dhaqankoodu inuu kala duwan yahay ayaa dhici karta.

Friday 28 May 2021

ISGAARSIINTA SAHLANAATAY: DHIB IYO DHEEF

Waayahan si fudud ayay u xiriiri karaan ehelka iyo asxaabtu oo isgaarsiintii ayaa sahlanaatay marka loo fiiriyo xilliyadii hore. Si kastaba, wanaaggaasi culayskiisa ayuu la yimid haddii aan laga fekerin qaabka loo wada xiriirayo gaar ahaan wicitaanka (calls).


Kharaj badan uma baahna in dadku is wacaan oo waxaa la helay internet iyo boqollaal barnaamij (applications) oo lagu wada xiriiro ha yeeshee waxaa dhalan kara dhibaatooyin badan waxaanse halkan ku xusayaa 2 ka mid culaysyadaas kuwaasoo waqtiga la xiriira.
 

  

Sawirka: www.vectorstock.com

 (B) Qofka caadiga ah waxaa maalintii la xiriira oo waca tiro aad u badan oo dad ah wicitaan kastana wuxuu qaataa daqiiqado aan yarayn iyadoo ay ruuxaas u sii dheer yihiin howlihiisii kale ee nolosha. Waxaa iswaydiin mudan; Qofkaasi ma shaqo ayuu ku jiraa? Ma maantoo dhan ayuu telefoonka dhegta ku hayay? Ma cuntaynayaa? Ma jid ayuu marayaa? Ma jiifaa? Ma sheeko ama shir ayuu kuk jiraa?  Horta ruuxaasi ma hayaa waqti uu qof kale kula hadlo? 


(T) Qaxa la kala aaday waxaa ka dhashay in lagu kala noolaado dhulal kala waqti ah. Marka ay adiga kuu tahay dharaar ama saacadaha nasashada qofka aad wacayso waxaa laga yaabaa inay saacad shaqo amaba habeen u tahay.
Haddii aad qofkaas telefooka ku cel-celiso dhowr jeer ee kaa qaban waayo waxaa laga yaabaa inaad ka xumaato weliba cuqdadi meesha timaad iyo "hebel wuu igu dhagaystay" iyadooy dhici karto in labada is wacaysa isu yihiin wiil iyo waalid ama xaas iyo saygeeda ama walaalo/saaxiibbo ay ka dhaxayso xushmad badan.


Maxaa xal ah?

Si looga badbaado cuqdad iyo kala-shaki, farriin u dir (qoraal ama cod) qofka aad xiriirkiisa doonayso una faahfaahi danta idinka dhaxaysa ee aad kala hadli lahayd. Farriintaadu haddii ay doonto aad ha u dheeraato. Qofkaasi marka uu fursad helo ayuu farriintaada ka bogan doonaa dib ayuuna kuugu soo jawaabayaa. 


Hadii ay lagama-maarmaan tahay inaad isla hadashaanse inta aadan qofka wicin waydii inuu kula hadli karo iyo in kasle oo u dir farriin gaaban adigoo weliba siinaya cinwaanka sheekada. Tusaale ahaan u qor "Inaan (arrin heblaayo) kaala hadlo ayaan doonayaa ee i soo qabo" hadduu kuu soo jawaabi waayona ha ka xumaan ee ka war dhowr.


Dhanka kale, haddii adiga oo mashquul ah lagu soo wac-waco ha illoobin inaad qofkii ama dadkii ku soo wacay dib ula xiriirto ood u cudurdaarato una sheegto sababti aad horraan uga qaban wayday telefoonka. 


Waxaa kale oo muhim ah in marka aad qofka la hadlayso aad bariido kooban ka dib toos u abbaarto danti aan u raadinaysay oo aan waqti badan ku lumin tororog aan macno ku fadhin iyadoo laga yaabo in qofku kaa xishoonayo.

Thursday 13 May 2021

FARRIINTA DHALLINYARADA DALKA

Waxay dadkan dhallinyarada u badani sugu soo baxeen damaashaadka Ciidul-Fitri 1442H (2021M). Waa waddada Maka Almularrama inta u dhaxaysa Isgoysyada dabka iyo Sayidka. Waxaa hubaal ah inay yihiin tiro yar oo ka mid ah dadka Xamar deggan laakin tusaale noqon karan. 
 
Muuqaalkan waxaa leh Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waa mid kooban ha yeeshee wuxuu dirayaa farriimo badan kuna socda jihooyin kala duwan. Waxay la hadlayaan sokeeye iyo shisheeye. Mar way is muujinayaan mar way cabanayaan marna way xitaa gooddinayaan. 
 
Wuxuu filimkan gaabani leeyahay: Caasimaddu way bilicsan tahay wayna adkaysi badan tahay (Maalmo ka hor ciidamo ayaa isku farasaaray goobtan) waxaana jooga muslimiin ciidaya. Dadkan idin muuqda badidood waa kuwa wax bartay mana mooga ciddii abaal u gasha iyo cidda lug-gooyo ku haysa. 
 
Wiilashaas iyo gabdhaasi waa inay horseed u ahaadaan socodsiinta howlaha magaaladan ay ku dhasheen waxna ku barteen iyo guud ahaan dalka. Waxay ahayd in dhibta laga daayo ee laga faa'iidaysto loogana faa'iideeyo maankooda iyo muruqooda. 
 
Haddii la is moogaysiiyo ee siyaasiyiinta qurba-joogta u badan ee marka ay xil hayaan keliya la arko dalkana ka shaqaysta ee aan badi u shaqayni aysan aqrin sadarradaas dhexdooda kana jawaabin su'aalaha aadka u badan ay dhallintani qabaan lana dhugan fursadaha ay hayaan maalin ayay si dhab ah barbaartaasi u garnaqsan doonaan. 
 
Mar aan dheerayn waxan aqriyay farriin cabasho ah oo uu diray Ustaad Hussein Sabrie . Prof. Xuseen Sabriye oo ka mid ah kumannaanka aan ka hadlayo ee ay tahay in dalka wax laga waydiiyo wuxuu dhambaalkiisu ku socday RW Rooble wuxuu ahaa cabasho iyo codsi warqad (waa hal warqad) taasoo ardayda Masater Degree uga baahan Turkiga u fududayn karta helitaanka aqbalaadda jaamacadaha Turkiga. Waa mid ka mid ah su'aalo badan oo qalbiyadooda ka guuxaya. 
 
Waxaa jira gobollo loo diiday shahaaddooyinki. Maalmo dhow waxa la sheegayay (ma hubo dhab ahaanta warkan) tiro badan oo dhallinyaro ah oo mar qur ah shaqada looga cayriyay sabab aan loo-qaateen ahayn. 
 
Gabagabadii, dhallinyaradi dalku waa kuwaas ee, siyaasi, u lahow qorshe aad kula macaamisho ogowna inaysan ku filnayn jidadkoo la xiro ka dibna bajaajta loo fasaxo si ay ugu mashquulaan ama wax la mid ah. 
 
 Qoraalkani waa aragti igu gaar ah. 
 
Ciid Mubaarak. 
 
WQ: Muxumad Indhageelle

Wednesday 23 September 2020

Macallinka Macallimiinta: CABDIRRASAAQ M. XAASHI. WQ. Xuseen Sabriye


Qoraalkan hoose wuxuu si kooban uga hadlayaa -ALLAH ha dhowree- Bare sare C/Rasaaq Maxamed Xaashi waxaana diyaariyay Macallin Xuseen Sabriye September 23,2020.

-----

Abaal aan duugoobeyn ayuu ku leeyahay bahda waxbarashada. Muddo nus qarni ku dhow ayuu ku dhex jiraa waxbarashada dalka. Todobaatameeyadii ayuu macallin iskuul noqday, waxayna dowladdii dhacday isagoo bare ka ah kulliyaddii waxbarashada Lafoole. Burburkii kadib, horraantii sagaashamaadkii ayuu macallin ka noqday iskuulka Imaamu Shaafici oo uu waagii dambe kormeere ka ahaa. Dhammaadkii sagaashameeyadii wuxuu macallin ka ahaa iskuulkii National Computers oo lagu baran jiray cilmiga Kumbiyuutarka. Wuxuu ka mid ahaa macallimiintii udub-dhexaadka u ahaa kulliyadda Kumbiyuutarka ee jaamacadda SIMAD oo uu ku biiray 2000, wuxuuna kaalin mug leh ka qaatay aasaaska kulliyadda Kumbiyuutarka ee jaamacadda Banaadir.

 

2009kii ayaan ku bartay Ceelasha Biyaha isagoo macallin ka ah machadka Kasmo ee lagu barto Sayniska, oo uu isagu wax ka aasaasay. Wuxuuna ka mid ahaa aqoonyahanadii 2010 aasaasay jaamacadda Jazeera oo uu ka soo noqday madaxa waxbarashada iyo hormuudka kulliyadda kumbiyuutarka.

 

2013kii ayuu iskuul aan macallin ka ahaa nagu siiyay tababbar ku saabsan macallinnimada iyo habka waxdhigidda oo wax badan ka bedelay sidii aan ardayda ula dhaqmayay, micno badanna u yeelay habkii aan wax u dhigayay. In ardayga wax la fahmsiiyo oo aan la xifdisiin wax uusan fahamsaneyn, cashirkana lagu dabbaqo nolosha si loo soo saaro arday xirflad leh oo xallin karo baahiyaha suuqa ayuu nagu tababaray.


In aanan ardayda la dilin ee la jecleysiiyo waxa la barayo ayuu na baray. Ma halmaamin tusaale uu noo soo qaatay. Wuxuu yiri: anigoo Bakaaro dhex maraya ayaa nin i salaamay, wuxuuna igu yiri: ustaadow waxaan ahay macallin Dugsi. Youtube ayaan kaa daawaday adigoo macallimiin ku tababaraya in aan carruurta la la garaacin, ee seen wax yeelaa? Waxaan ku iri: macallinow ardaygaada Qur’aanka bar, maalinka qiyaamana yuusan ku dhihin: Allow aniga macallinkaan ayaa Qur’aanka i nacsiiyay.

 

Waa bare iyo barbaariye uu laxaw badan ka hayo dhalinyaradeenna iyo mustaqbalka carruurteenna. In uu si fudud oo maangal ah dadka wax u fahamsiiyo ayuu fariid ku yahay. Xusuusteyda kama go’in dhacdo uu maalin iiga sheekeeyay. Wuxuu yiri: jaamacad aan macallin ka ahaa ayaan ku arkay gabar arradan oo xiran dhar khafiif ah oo ku dheggan. Si hoose ayaan ula hadlay, waxaana ku iri: gabadheydiyey ma jeceshay in aad dhimato adigoo dharkaan xiran, oo aad sidaan Alle kula kulanto? Waxay igu tiri: Maya ustaad. Subxaanallaah. Maalinkii xigtay ayay gabadhii oo si fiican u asturan jaamacadda iigu timid, waxayna igu tiri: shalay waxaad igu dhahday erayo qalbigeyga taabtay, waxaana kuugu imid in aan kaaga mahadceliyo.

 

Waxaa jeebkiisa ka buuxo tusaalayaal nololeed oo uu si fudud ardayda wax ugu fahamsiiyo. Ma xusuusto maalin aan la kulmay oo aanan wax ka kororsan. Haddana waxaan arday ugu ahay xarunta tababbarka ee Bakka oo uu wax ka aasaasay, kuna bixiyo tababarro wax-ku-ool ah. Kama daalo in uu mar kasta igu yiraahdo "Baro diintaada, oo ku dadaal in aadan marti ka noqan"

             ---Bare sare (Prof.) C/Rasaaq (midg) iyo Mc. Sabriye---

Waa macallinka macallimiinta Prof. Cabdirisaaq Maxamed Xaashi. Sawirku waa aniga iyo ustaadka oo noo soo xiray tababar ku saabsan saykoolojiyadda waxbarashada oo uu siinayay macallimiinta jaamacadda Jamhuuriya.

“Waxaan ka walwalsanahay in aan la iska warsan doonin abaalka ay nagu leeyihiin dadkii lafdhabarta u ahaa waxbarashada dalka waqtiyadii adkaa ee burburka lagu jiray, oo uu ugu horreeyo Prof. Cabdirisaaq Maxamed Xaashi” 

Waxaan hadalkaan ka maqlay saaxiibkiis ustaad Maxamuud Axmed Jimcaale, guddoomiyihii hore ee jaamacadda Jamhuuriya oo ay ustaadka soo wada halgameen.

Saturday 30 May 2020

HABEENKII CANJEELO DAAFI IIGU HORRAYSAY IYO TII IGA RAAVDAY. WQ: GOODIRKI HOWD

Sheekadan waxaa qoray Mudane Maxamed Cabdi oo Facebook ku soo gala Goodirkii Howd.
Waa maad iyo qosol waxaanse aad ula dhacay sida farshaxannimda sare leh ee uu soo gudbiyay iyo af Soomaaliga uu adeegsaday.
-------

Habeenkii Canjeelo Daafi iigu horraysay iyo tii iga raacday.😂

Mid aan qaraabo ahayn oo aan is iri waalidkiisaa inkaari uga dhacdayoo aan meel roonba waligiis marin, baa inta habeen i duufsaday wuxuu igu yiri: inaka keen magaaladaan ka soo cashaynaynaaye. Show ninku xoogaa lacaguu igu arkay illeen shalaan neef gataye aniguna iska reer Miyi baan ahaye anoon war hayn baanne: haye ina dhaqaaji waliba magaalada waan xiisaynayaa. Gurigii goortaan ka baxnay oo aan xoogaa sii soconnay, buuye: sxb naago ma inoo wacaa? Saanne "maxay yihiin naaguhu?"  Suuye "dee waa naago caadiya" saanne " oo see u galaynaa?" Suuye way na raacayaan, way nala soo cashaynayaan, waana iska baashaalaynaa" saanne "oo ma waan dad dhalin naagaha xaggee se iska taaganyihiin ma hadimaa?Suuye "war ka bax adiga howshaas ninyahow oo soft iska dhig Looxnimo lama rabee" saan shib baan ka iri. Haddiiba Moobeel ballaran buu inta la soo baxay oo lanbar garaacay buu goortii laga qabtay inta si yaroo nacasnimo-nacasnimo leh oo aanan ka helin inta u hadlay isagoo waliba is qalqalloocinaya wuxuu yiri: xabiibi soo bax oo meel hebla aan isugu nimaadno mar dhow, gabadhii sxbtaa ahaydna soo kexee nin aan sxbo nahay baa ila socdee. Goortuu Taleefonkii jaray buu isagoo qoslaya inta ugu soo jeenstay waan dabo socdaye wuxuu igu yiri: sxb waa isku aaddantahay nasiib baan leennahay, wlhi haddaad arki lahayd qofta kuu soo socota..caadi maahan waxbaa ku xiran ee yaan lagaa garan. Markaasaan anoo baqbaqaya balse is adkaynaya hoosna ka rabraba wuxuu sheegayo waxaan iri: bal aan aragno.

Wax yar goortaan u soo jirnay meeshuu naagihii kula ballamay iyagiina show waa dad Alloow cid idiinka nuunuusii is lahaaye ay wicitaan nagala daaleen oo meeshii ay mar horeba yimaadeen, buu inta luuq mugdiga nagu jabshay isagoo iga hataq-hataq siinaya wuxuu igu yiri: sxb is habee dee oo isteelka naga sax. Waxaan qabaa anigu Macawis ruuggagga ii joogta iyo Shaati coodcood leh Toorrayna way ii xirantahay aanan waligay dhexdayda ka furin, Ushiina garabkay ii saarantahay, guntigana labo boqol (200 sh. So) baa iigu jirta, jeebka sare oo shaatigana waxaa iigu jira tubaako, shanlo, muraayad, xooga lacag ah iyo bokis makiinado ah. Anoo yaabban oo ninku wuxuu sheegayaba si u fahmi la' baan inta macawistii suunkii ku giigsaday, jeebkiina badhankii u xirtay lacagtii guntiga iigu jirtayna dhabarka u wareegsaday, toorraydiina soo dhawaystay waxaan iri: ina dhaqaaji waan diyaarsanahaye oo markaa xoogaa sas ah baa igu jiroo si baan u dhegotaagalaynayaa waligayna cid ma aamminin. Waxaa kaloo igu qafilan oraahdii ama maahmaahdii ahayd ;dagaal gondahaaguu ka dhashaa.

Luuqii mugdiga ahaa haddaan ka soo kudnay, haddiiba waxaan la soo kodolnay gabdhihii oo taagtaagan meel layrar badan oo maqaaxiyo cunto hortood ah. Kii markuu gabdhihii isha qac ku siiyay iyagiina ay indhaha nagu dhifteen bay labadoodii is garanayay inta isku soo boodeen dhabannada iyo shafka isasa saareen, labadayadii la kala watayna qofba dhinac buu istaagay waliba anigu goortaan wax luqmaha isla dhaafdhaafaya arkay iyo gabdhaha afafka cas, baan awal baan fiigsanaaye dib uguryooday ilaa labo tillaabo walow iyadu markii hore ay xaggayga u soo dhaqaaq-joogsanaysay iyadoo dhoosha ka qoslaysa hoosna yara eegaysa asii markii dambe ee ay aragtay saan u didsanahay iyo qabbaalkayga anoo inta lugaha is dhaafsaday ushii barida gishadayoo ku istaag-fariistay Tubaakana inta la soo baxay takhsiin ku tuuray kulul ay igu soo dhiirranwayday. Kii iyo tii goortay kala dafeen bay inta nagu soo jeensteen isagii wuxuu yiri "sxb barasho wanaagsan qoftaan waxaa la dhahaa heblaayo waa hebla sxbteed waana qof wanaagsan" misana iyadii buu inta ku jeenstay wuxuu ku yiri "abaayo ninkaan waxaa la dhahaa Goodir waa nin fiican wuxuuna dhab u xiiseeyaa oo jecelyahay dhaqanka iyo hiddaha sow ma aragtid labiskiisa? Laakiin waa reer magaal is nacay oo wax badan fahamsan."  Ma aqaan waxa beenta ku watay wayse male habboontahay inuu is yiri gabadhu yaysan ninka ka didin oo aan lagu oran maxaad axadka geelaa noogu soo kaxaysay. Kkk

Xoogaa haddaan meeshaa taagtaagnayn anigiina uusan wali butulli afkayga ka soo bixin ee aan digtoonoow isaga jiro, baan waxaan u dhaqaaqnay dhinicii maqaaxida cuntada markaasay kii iyo tiisii gacmaha is qabsadeen iyagoo hoos qosol iyo sheeko nuxnux ah isugu gurbinaya, taydiina intay igu soo Dhawaatay bay damacday inay gacanta iyana i qabsato sidii kuwiiyoo kale balse maxay kuugu taallaa labadayd gacmood mid ushii oo garabka ii saaran baan ku haystaa midna Toorrayda iyo lacagtaan ku ilaashanayaayoo iyada iyo waxaa wada socda isha iyo dhegta oo heegan baan isaga jiraa meeshana dad kun iyo kaakac ah baa maliingaynaya oo qaar waliba ay hubaysanyihiin. Waxaan gabadhii ka faagto oo aan sidii neef il la' u socdaba maqaaxidii baan gudaha u soo galnay afartayadii. Labadoodu waa ay naga horreeyeene intay sii gudbeen bay labo kursi oo iska soo hor jeedoo khaas ah ku farfariisteen, markaasaan anigu illeen ninkaas aan wada soconnay baan kor ka ilaashanayaye inta kursi meel yiillay jiitay xaggiisii la aaday si aan u ag fariisto. Isagii goortuu arkay anoo kursigii soo jiidanaya iyo gabadhii oo aan meel cidlo ah uga soo tagoo iska taagan, buu inta soo booday oo iga horyimid wuxuu igu yiri: war nacallaaye ha ina ceebayne orod qoftaada la fariiso oo wax dalbada caadi iska dhigoo qoftuna waa ay kuu khalkhalsantahaye iga qabo sxb, saan inta isku naxay baan gadaal soo fiirshay mise qoftii halkaanay soo taagantahay oo anay i eegaysaa xoogaa illaah baa na lehe waa ay qurxoonayd. Markaasaan inta warkiisii run mooday oo u qaatay naagtu inay i rabto baan isaga soo laabtay dabadeedna labo kursi oo meel cidlo ah yaal baan fariisannay.

Wiilkaani shilin lacag ah ma uu hayo oo waa xayraan isaga iyo naaguhuna waxay ku heshiiyeen inay xoogaaga guntiga iigu jira dabka saaraan caawa oo show waaba la isugu kay afjaaqay shuftaana dhexda uga jiraa dad xoolihiis ku mabay sidii habeenba mid anoo kale ah loo qalin shubataysanayay. Labadii xagga ahaa mar horay wax dalbadeen annagana Kabalyeerigii oo ay noo soo direen baa daqiiqado kadib na soo dul istaagay oo yiri "day dalabka." Anigii goortaan ninka uskagga badan oo Middiyaha sita arkay baan inta giir iska kacshay doc isaga dadbay. Laakiin gabadhaa waligeed meesha taqaanayoo wax ka cuni jirtaye waxay ku tiri "soo Daafidii ma taal "Suuye "haa" sayte "labo haaf oo habaysan na sii" suuye "ma isku dhiish baa mise waa kala socod?" Sayte "isugu kaaya soo darba" Intuu ninkii naga maqnaa bay inta ila hadahay iyadii waxay igu tiri "aboowe daafida ma cuntaa?Saan anoon garanayn Daafi waxa ay tahay baan iri "walaale wixii Alle calaf iigu daro oo oon islaameed ah waan cunaa" say waa iga aamustay.
Wax yar ka dib buu Kabalyeerigii Xeero kuwii Allebariyada oo kale ah isagoo la rooraya inta i dul marshay Miiskii dhexdayada ahaa saaray oo naga sii gudbay. Waxa Saxanka ku jira waligay ma arag sanuun baana ka soo kamkamaysa sanka kaa galaysa Qiicna waa ka muluufaadayaa anoo aan cunin baana ku saaqmay. Waxaa intaa sii dheer, anigu maahi jirahay iyo joogahay ninka qof dumar ah wax la cunay faraheeda malmalliiqsan oo cillaanka lehna si baan uga wiswisay. Gabadhii inay biyo yar oo faroxal ah sacabka ku shubatay oo xeeradii gacanta galisayoo hilib yar soo qabatay bayte "boowe keen afka kuu galiyee iyadoo qoslaysa saan dhowr jeer baan damcay inaan kaco markaasaan haddana inta is ceshay oo ninka; ha na ceebayn tiisii soo xasuustay iska fadhiyay. Gabadhii goortay labo jeer qaadatay wixii aniguna aan wali fiirsanayo say wax leedahay marna aan dhuganayo kuwii kale oo bahashii ruuqayoo aysan kaba qasnayn, baan inta ushii dhigtay oo gacmihii xaydxaydtay waxaan go'aansaday inaan bahasha faraha gasho ceebi waa labo afmaroojise oo waliba aan mar inta u qaato gabadha inta kale iyada aan uga baxo. Ninkaas Cagafta Burka ah labada jeer rudi jiray oo haddana calaacalaha waawayn baan ahaye intaa saxanka wixii ku jiray kala bar xaabsaday baan haddiiba afka ku kiisay oo intaan amaanyuugay oo amaanyuugay hal mar sii daayay jiriiririg dig. Allaylehe hal mar hawadaa la ila aaday oo dhegihii qiic iga baxay, indhihiina biyo i soo duuleen, sankiina duuf iga soo daatay. Qowlalladii, dhabxanaggii, carrabkii iyo dhuuntiina holac baa la iiga shiday baraas ah. Saan inta kor u booday oo xiddigaha galay baan miiskii sansada ku siiqaatay oo garaafe biyo ah iyo saxankii xoogaagii ku haray gabadhii oo meesha soo yuururta dhalada kaga keenay, ushaydii iyo Go'aygiina inta horay u soo dafay bannaanka uga kuday maqaaxidii anoo sidii neef afgorofow qaba gafuurku tulux i yahay.😂

Gabadhii iyadoo dharjaanta ah bay meeshii ku qallashay, kiina inta iga soo dabo booday buuye isagoo kardhanaya oo yaabban: war heedhe maxaa kugu dhacay? Saanne "hooyadaa baa nagu dhacdaydhalaye caawa meel gala adiga, naagta xunta ah iyo kan maqaaxiduba tuugyahay tuugtu dhashay is bahaysatay galkana waan ka doontay gal-ka-maqantii xiiiiiq. Talo farahay ka haadday ummaddii oo dhanna waa isu soo baxday, qof ii soo dhawaadana waa la waayay. Kii xaafaddii buu inta wacaday u warramay waxa dhacay in yar kadibna gaari xiimayaa inta iiyid oo rag wataan xaafaddii i geeyay. Tin iyo ilaa cirib dhidid baa iga dililiq leh caloosha, dhuunta iyo afkana waxaad i mooddaa in ood Xanan ah la iiga soo jiiday caygiina waa iga dhammaaday. Dadkii haddii ay i waraysteenna waxaan ku iri: xaaraanta xaaraantu dhashay Dhallaandhuux bay iga dharjiyeen caawa, markaasay iyaguna qosol la kala daataan oo ciilkii iyo caradii i haysay iyo waliba xanuunkii ku cammirasho iigu sii daraan, habeenkaasna laabjeex iyo calool majiir baan la seexan waayay. Waxaasoo dhan waxaa iiga darnaa oo ay ammuuri dhacday, subixii markaan inta suuliga galay ay dhowrka iniinood oo aad dhimbilaha dabkaa moodid i soo dhaafeen oo aan suuligii orodka uga soo baxay anoo dabada sacabka ku haya dabadeedna intaan salka dhulka dhigi waayay aan heedhe fariisi caadiya iyo kortagidba ka waashay oo aan todobaadka dhanoo dhigaysan kadaalliga ku waashay sidii qof feexi ku taal ama baabasiir qaba.😂😂😂

Kii habeenkaas aan raacay wali hadda waan nebcahay bahashii jinnina af dambe uma celin balaaya ha cuntee dabka iyo naxartaa.😂

Wadeeca Allah.

Tuesday 14 April 2020

COVID19; KII RAAD WANAAGSAN KA TAGA

Adduunka 100+ sano ee na dhaaftay waxaa ka jiray hab-nololeed ay bulshooyinka dunida badidood ku dulmanaayeen oo aan loo sinnayn.

Hal dhinac (koox) ayaa inta badan jaangooya saxda iyo qaladka nolosha bulshooyinka.

Siyaadda, dhaqaalaha, ilbaxnimada, isgaarsiinta iyo guud ahaan nolol-maalmeedka ummadaha waxaa haga kooxdan oo danleey ah.

Waxay siyaasad ahaan taageeraan cidda ay doonaan mana jiro halbeeg lagu kala sooco talada san iyo tan xun balse waxay soo dhowaystaan hadba qoladii iyaga u dhego nugul ayna ku shaqaysan karaan. Dalkii ay doonaan ayay dhaqaalaha ka curyaamiyaan. Cuno-qabatyan ayay saaraan. Farsamada Isgaarsiinta oo maanta xooggeedu yahay internetka isla qoladaas ayaa leh oo koontaroola. In laba ruux oo isku jinsi ah ay jidka bartamihiis isku fuulaan waa ilbaxnimo laakin inay ku cibaadaystaan waa galtinnimo.

Hadba waxay la yimaadaan olole magac qurxoon (Ilaalinta xuquul-insaan, Kalitalisnimo, xuquuqda dadka laga tiro badan yahay kd) ha yeeshee ay doonayaan inay ku gaaraan hadaf ay sii meeldhigteen oo iyaga uun dan u ah.

Horumarka ama dib-udhaca dal kasta waxay ku xiran tahay sida ay kooxdaasi u aqbalaan ama u diidaan siyaasadda dalkaas xitaa haddii dadkiisu ay taageersan yihiin madaxda u talisa.

Sida taariikhda laga bartay dhacdo kasta oo heer caalami ahi waxay wax ka beddeshaa hab-nololeedka dadka dunida guudkeeda ku nool.

ALLAH kama dhigo COVID19 cudur inta tiro badan oo dad ah laaya iska dabar go'a isaga oo aan ka tegin raad wax ka beddela hab-dhaqanka la isku dulmo ee maanta dunida ka jira.
----
Jaalle Indhageelle

Monday 17 February 2020

BEEN HA KU ANDACOON OO XALKA HA FOGAYN

Haddii ruux dhib idin kala gaaro ee aad ka eed sheeganaysid been ha ku darin haddii kale waxay fogaynaysaa xal-ka-gaarista dhacdadaas.

Tusaale; laba isu dhaxda (sey iyo xaaskiisa) ayaa isku qabtay beekhaaminta dhaqaalaha guriga ku baxa. Waa arrin aan sidaa u sii waynayn oo la xallin karo. Ha yeeshee seygii ayaa buun-buuniyay oo gabadha ku eedeeyay inay ku kacday fal aan si na loo qaadan karin sida tuugannimo ama wax ka ba sii xun ehelkiisina sidaa ugu sheekeeyay si ay isaga ula saftaan.

Marki ay labadoodu wada hadleen ayay gabadhi qaladkeedi garatay oo ka garowday arrintii la isku hayay saygeediina u ballan qaadday in ay maaraynta dhaqaalaha guriga dib u saxayso.

Halkaa marka ay marayso waxaa ninkii ku adkaanaysa in ehelkiisi iyo asxaabtiisi uu ku qanciyo inuu dib ula heshiiyo gabadhii uu ceebaha waaweyn ku sheegay. Waxaa la lagu oranayaa "Ma tii sidaa iyo sidaa ahayd.....!?

Ma aragtaa...in xalkii fogaaday!? Waxaa meeshaas geeyay waa beentii uu shalay sheegay isagoo hiillo ku raadinaya.

FG: Qoraalka kore waa uun tusaale aan curiyay ee ma aha dhacdo aan ogaa oo aan mitaal u soo qaatay.

Dhaqanka noocan ah - buunbuuninta iyo been-ku-cayilinta- waxaa u badan siyaasiga. Koox ama qof uu shalay ku tilmaamayay xumaan kasta ayuu maanta ceeb-ka-saliim kaaga dhigayaa haddii uu ka helo wax uun dan ah.

Dulucdu waa haddaad qayrkaa is qabataan waxa aad isku haysaan (siyaasad, dhaqan, dhaqaale, iwm) wax aan ahayn ha ku andacoon oo qadiyadda ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin.

Monday 22 July 2019

Dad baa jira muran-kunool ah

Waxaa jira dad aad moodayso in ay quutaan muranka oo wax kasta 'Laakiin' geliya. Si kasta oo la isugu dayo in lagu qanciyo mowduuca laga hadlayona way adag tahay inay qaataan.

Haddii aad la kulanto kuwa noocaas ah ee aad aragto inay soo taagan yihiin dan ha ka gelin waqti badanna ha ku lumin in ay "Howraarsan" dhahaan ee howlahaaga ka raaco. 
---
Dad baa jira muran-kunool ah
Ilaaqdiyo 'Maya' da quuta
Haddii marin loo tilmaamo
Haddii RABBI munazalkiisa
Xadiiskii Muxammadkeenna
Nusuustaa loo micneeyo
Haddii maahmaah la sheego
Waqood isa soo maqiiqa
U taal 'laakiin' tu meelo
Xiskiyo maankaba daboolan
Kuwaa maqalkaba ka owdo
Kuwaa minit how ba quurin
Tixgelin ma mudnee ha siin ba
Muraadkaaguun ka raaco
Illow markrigiyo sharkooda
Maagooda dantaa ka yeelo

Tuesday 4 June 2019

CIID MUBAARAK

===CIID MUBAARAK ===
Kol haddii ba la iiday
Ramadaan na idlaaday
Acmaashii ma dhammaan e
Ogaanteeda lahaadoo
Iblays yaanu na duufsan

Inaan oogno Salaaddiyo
Qur’aankoon aqrinnaa iyo
Aqribadoo la xiriirshiyo
Islmaakoo la gargaariyo
Waalidkoon u adeegniyo
Ubadkoo la daryeeliyo
Annagoo is kal kaalliyo
Madaxdoo la addeeciyo
Acmaashoon ku dadaalliyo
Waajib baa ina saarane
Iblays yaanu na duufsan!

Isirkeennu mid weeyoo
Ehel baannu illeyn nee
Uskag weeye qabiil e
“Uf!” dhahoo war ka jooga
Is-maqal aynu lahaannoo
Qaran aynu ahaanno

Udgoonow Nabigeenniyo (SCW)
Asxaabtii waddadoodi
Eegna yaa laga weecan

Rabbi na waa na arkaaye
Kol haddii ba la iiday
Ramadaanna idlaaday
Acmaashii ma dhammaanoo
Eebbihii Ramadaanku
Waa ILAAHA Shawaal oo
Ilaa iil nala geeyoo
Ajasheennu dhammaato
Waa inaannu adeecno
ALLAHII na abuuree
Ogaanteeda lahaadoo
Iblays yaanu na duufsan
-------
Kolka Ramadaanku dhammaado waa inaan cibaadada sideedi u sii wadno in shaa ALLAH.
Reer Indhageelle waxay idin leeyihiin "CIID MUBAARAK"

Tuesday 28 May 2019

WAA MAXAY HALEELIDDA LAYLATUL-QADAR


Laylatul-Qadar inaad haleesho macnaheedu waa in habeenkaasi ku beegmo adiga oo camal saalix ah iyo cibaado ku guda jira.

Camalka wanaagsan ama cibaadadu kuma koobna dukashada Salaadda #Tahajudka, #Ictikaafka masjika dhexdiisa iyo #Aqriska Qur'aanka Kariimka ah oo qur ah balse cibaadooyinku way badan yihiin waxaana ka mid ah;
●Ka farxinta waalidka iyo walaalaha
●Xiriirinta qaraabada
●Taakulaynta dadka tabarta yar
●U gargaaridda agoonta
●U hiillinta qof dulman
● Iyo wanaag (macruuf) oo dhan.

Habeenkaas cibaadada aad la timaad waxay u dhigantaa adiga oo camalkaas isaga ah joogteeyay muddo ka badan 1,000 (kun) bilood.

ALLAH ha nagu beego habeenka Laylatul-Qadriga annaga oo acmaal wanaagsan samaynayna.

Aammiin.