Wednesday 24 May 2017

DHALLINTA DALKU MA WADA AHA JAAHIL IYO JIRRI

Dalka waxaa jooga dhallinayaro aqoon leh, xog-ogaalna ah oo dalka gudihiisa ku sugnaa muddoo dheer waxna ku bartay aanna dhan uga bixin teer iyo maalintii ay dhasheen. 

Way tiro badan yihiin xirfado kala duwan ayayna barteen iyada oo ay u dheer tahay inaysan dalka meelna uga socon haddii aan taas dadab ama toos loogu dhalin.

Haa....Waa haddii aan lagu dhalin! Waxyaabaha ku dhalin kara waxaa ka mid ah in shaqa bixinta dalka lagu daro -ugu yaraan si dadban- shardi ah in qofku qurbaha ka yimid.

U fiirso boqolkii imisa xildhibaannada, wasiirrada, taliyayaasha, agaasimayaasha, guddoomiyeyaasha iyo mas'uuliyiinta kale ee heer qaran ama gobol ayaa dibadda ka yimid? Waa intooda badan sow ma aha? Haddaba sow tani ruuxa dhallinyarada ah kuma dhalin karto inuu tahriibo si uu mustaqbalka tixgelin u helo.

Dhallinyarada dalka joogta intooda badani waa kuwo ka xalan dhaqamada xunxun xaq bayna u leeyihiin in la siiyo tixgelinta 1aad MAR KASTA ee ma aha in howl ay qaban karaan ay marti uga ahaadaan qaar iyaga la mid ah ama kaba sii liita.

Xaashaa lillaahi, ujeedkaygu ma aha inaan faquuqayo qurbo-joogta ha yeeshee waxan meesha geli karin in dhallinta dalka jooga oo aan shakhsiyan xogogaal u ahay aqoontooda, kartidooda iyo daacadnimadooda la fogeeyo oo meesha laga saaro oo waxba ama wax yar uun loo oggolaado.

Waxaan hubaa in madaxdu aysan xog badan ka haysan aqoonta iyo kartida wiilasha ama abadhaha dalka jooga ayna ku qafilan tahay la-ahaansho (perception) aan sal lahayn oo ah in dadka dalka joogaa ay yihiin jaahiliin iyo jirri. 

Sida aan ka maqlay RW Khyare, mujtamaca 70% waa dhallinyaro marka fikirka ah in dadka intaa la eg la is moogaysiiyo waa qallooc, waa cadaalad darro, waa talo xumi, wuxuu hab-dhaqankani si toos ah u dhiirrigelinayaa tahriibka iyo kaba sii darane in la nebcaysto dowladnimadaba sidoo kale waxaa sii fogaan kara in Soomaaliya ay ka soo kabato dhibtii. 

Si looga badbaado dhibaatooyinka kore ee ka dhalan kara hab-dhaqankan waa in dhallinta la siiyo mudnaantooda si taas loo helona waxan soo jeedinayaa;

(B) In madaxdu baaritaan ku sameeyaan kuna baraarugaan heerka aqooneed iyo karti ee dhallinta dalka joogta ayna abuuraan xafiis u xilsaaran xiriirka dhallinyarada hadduu jirona la xoojiyo kaalintiisa

(T) In saxaafadda, jaamacadaha iyo macaahidda dalka ku yaal ay u ololeeyaan xaqa dhallinyarada oo ay qabtaan barnaamijyo iyo doodo arrintan ku saabsan si farriintu u gaarto madaxda.

(J) In dhallinyaradu samaystaan ururro u dooda una ololeeya kaalintooda. Waxaa wnaagsanaan lahayd inay lahaadaan faracyo ku salaysan xirfadahooda kala duwan. Waana inay ka fogaadaan qabyaaladda oo ah midda dalkeenna iyo dadkeenna ba la hartay oo magacii Soomaaliyeed dishay ee is walaashadaan meel kasta oo ay joogaanna ay xirfad-wadaag noqdaan.

(X) In dhallinyaradu ay si aan qalalaase lahayn uga gadoodaan bannaankana keenaan gardarrada ka dhanka ah iyaga oo ku soo bandhigaya saxaafadda, kulamo ay qabsadaan iyo baraha bulshada.

(KH) Dhallinyarada dal-joogga ahi waa inay difaacaan oo garab u noqdaan kuwooda xil ama mas'uuliyad haya haddiiba la doono in si caddaalad darro ah xilka looga qaado.
------
Mahahdsanidin.

Muxumed Indhageelle.

Thursday 11 May 2017

ORAAHYO FAA’IIDO LEH

Marka Afsoomaaliga si edebaysan loogu hadlayo waxaa jira erayo laga hormariyo la dhex-geliyo ama ba lagu soo xiro hadalkaaaga.
Erayadani ma aha maahmaah laakin waxay u dhigmaan afeef oo kale waxay na muujiyaan qofka adeegsanaya akhlaaqdiisa sida edebtiisa, ixtirmaakiisa iwm.

1. “Cad iyo caano loo tiriye..” waxaa la adeegsadaa marka aad doonayso inaad soo qaaddo tiro ama cadad. Tusaale ahaan qof ayaad waydiinaysaa tirada carruurtiisa. Halki aad dhihi lahayd “Carruurtaadu waa meeqa” oo mutuxan ayaad ka hormarinaysaa ama raacinaysaa “Cad iyo caano loo tiriye meeqaa carruur ku joogta?”. Macnuhu waa inaad meesha ka saarto in su’aashu noqoto cowri (ilaysi ama qumayaysi).
2. “Far nacab kuma fiiqine…” oraahda kore si u dhow ayaa loo adeegsadaa waxaa badiyaa laga hormariyaa markaad soo qaadaydo cayil, naaxsanaan, qurux iwm. Tusaale ahaan rati naaxsan ayaad aragtay oo aad doonaysaa inaad ogaato ruuxa iska leh qofkii kula joogay ayaad leedahay “Far nacab kuma fiiqine ratigan yaa leh?”
3. Qof arrin ka hadlaya ayaa ka ilduufay (illoobay) dhacdo yar oo sheekada ka mid ah markaas ayaad doontay inaad xasuusiso meesha uu hilmaamay. Hadalkaaga ku billow “Hebelow, addigaa ku watee…, Kaama sugi wayne…..” Marka uu soo xasuusto na sheekada u daa ku dheh “Noo sii wad marka….” 
4. Weli qof ma kugu yiri “Kuma na mudna ee kabaha gadaashaada yaal ii laal ama ii soo qabo” Waa ixtiraam illayn kabaha badiyaa nadaafad darro ayaa lagu yaqaan marka qofka kuu soo qabanaya ayay weerahan looga cudur-daaranayaa. 
5. Koox dad ah aayaa arrin ka warbixin lahaa, mid iyagii ka mid ah ayay u xusheen inuu hadalka jeedjiyo.Marar badan waxa ruuxaasi hadalkiisa ku billaabaa “Aan ku dheelee…” isagoo dabcan muujinaya inay kooxda ku jiraa dad uga habboon gudbinta farriinta.

Oraahyada noocan ahi way badan yihiin waan na daah furay uun markaasi waxan codsanayaa in qof waliba wax nagu kordhiyo.

Mahadsanidin.

Thursday 4 May 2017

SAXAAFADDA SOOMAALIYEED IYO NABADAYNTA DALKA

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha aadka loogu dhibaateeyo suxufiyiinta, garannay. Haddaba maxaa xal ah?

Waxaa habboon in warfidiyeenku ka shaqeeyaan wanaagga, nabadeynta dalka iyo isu soo dhoweynta umadda si taas loo helo yaan la yamxeerin dadka garasho yahanka ah ee fursad ha la siiyo kuwa samaha ka shaqeeya kana maaga siyaasadda qabyaaladaysan ee waayahan jirta sida: duubabka, culimada, aqoonyahannada, xirfadlayaasha (professionals) kuwi hore iyo kuwa dambe, sugaan yahannada, iyo guud ahaan dadka samo-ka-taliska ah.

Taasi waxay qayb ka qaadan kartaa in nabad lagu noolaado shacab iyo warfidiyeen ba.

Haddiise shaqadu u badato dhanka colaad hurinta iyo iska horkeenka ummadda lana buunbuuniyo duulka howlahaas ku aqdaanta Soomaaliya way ka sii mid ahaan doontaa meelaha lagu gummaado shacabka iyo suxufiyiinta ba.

Soomaaliya oo mid ah oo nabad ah!