Monday 22 July 2019

Dad baa jira muran-kunool ah

Waxaa jira dad aad moodayso in ay quutaan muranka oo wax kasta 'Laakiin' geliya. Si kasta oo la isugu dayo in lagu qanciyo mowduuca laga hadlayona way adag tahay inay qaataan.

Haddii aad la kulanto kuwa noocaas ah ee aad aragto inay soo taagan yihiin dan ha ka gelin waqti badanna ha ku lumin in ay "Howraarsan" dhahaan ee howlahaaga ka raaco. 
---
Dad baa jira muran-kunool ah
Ilaaqdiyo 'Maya' da quuta
Haddii marin loo tilmaamo
Haddii RABBI munazalkiisa
Xadiiskii Muxammadkeenna
Nusuustaa loo micneeyo
Haddii maahmaah la sheego
Waqood isa soo maqiiqa
U taal 'laakiin' tu meelo
Xiskiyo maankaba daboolan
Kuwaa maqalkaba ka owdo
Kuwaa minit how ba quurin
Tixgelin ma mudnee ha siin ba
Muraadkaaguun ka raaco
Illow markrigiyo sharkooda
Maagooda dantaa ka yeelo

Tuesday 4 June 2019

CIID MUBAARAK

===CIID MUBAARAK ===
Kol haddii ba la iiday
Ramadaan na idlaaday
Acmaashii ma dhammaan e
Ogaanteeda lahaadoo
Iblays yaanu na duufsan

Inaan oogno Salaaddiyo
Qur’aankoon aqrinnaa iyo
Aqribadoo la xiriirshiyo
Islmaakoo la gargaariyo
Waalidkoon u adeegniyo
Ubadkoo la daryeeliyo
Annagoo is kal kaalliyo
Madaxdoo la addeeciyo
Acmaashoon ku dadaalliyo
Waajib baa ina saarane
Iblays yaanu na duufsan!

Isirkeennu mid weeyoo
Ehel baannu illeyn nee
Uskag weeye qabiil e
“Uf!” dhahoo war ka jooga
Is-maqal aynu lahaannoo
Qaran aynu ahaanno

Udgoonow Nabigeenniyo (SCW)
Asxaabtii waddadoodi
Eegna yaa laga weecan

Rabbi na waa na arkaaye
Kol haddii ba la iiday
Ramadaanna idlaaday
Acmaashii ma dhammaanoo
Eebbihii Ramadaanku
Waa ILAAHA Shawaal oo
Ilaa iil nala geeyoo
Ajasheennu dhammaato
Waa inaannu adeecno
ALLAHII na abuuree
Ogaanteeda lahaadoo
Iblays yaanu na duufsan
-------
Kolka Ramadaanku dhammaado waa inaan cibaadada sideedi u sii wadno in shaa ALLAH.
Reer Indhageelle waxay idin leeyihiin "CIID MUBAARAK"

Tuesday 28 May 2019

WAA MAXAY HALEELIDDA LAYLATUL-QADAR


Laylatul-Qadar inaad haleesho macnaheedu waa in habeenkaasi ku beegmo adiga oo camal saalix ah iyo cibaado ku guda jira.

Camalka wanaagsan ama cibaadadu kuma koobna dukashada Salaadda #Tahajudka, #Ictikaafka masjika dhexdiisa iyo #Aqriska Qur'aanka Kariimka ah oo qur ah balse cibaadooyinku way badan yihiin waxaana ka mid ah;
●Ka farxinta waalidka iyo walaalaha
●Xiriirinta qaraabada
●Taakulaynta dadka tabarta yar
●U gargaaridda agoonta
●U hiillinta qof dulman
● Iyo wanaag (macruuf) oo dhan.

Habeenkaas cibaadada aad la timaad waxay u dhigantaa adiga oo camalkaas isaga ah joogteeyay muddo ka badan 1,000 (kun) bilood.

ALLAH ha nagu beego habeenka Laylatul-Qadriga annaga oo acmaal wanaagsan samaynayna.

Aammiin.

Monday 4 February 2019

SHIRIB ABWAAN QALBI-NUUR

Shiribkan waxaa tiriyay Laashin Sh. Nuur Hilowle Macalllim (Qalbi Nuur) 4ti Febraayo 2017 waa afar maalmood ka hor doorashadii MW Farmaajo.
Tilmaamaha maanso ee uu shiribku bixinaayo iyo nuxurkiisuba aad ayay u sarreeyaan waxayna ahayd talo habboon.
Laashinku wuxuu kula hadlayay xildhibaannada.
Laba sano ka dib, aragtidaada, xildhibaannadu taladaas ma haleeleen mise way seegtay?
-----
Fadlan golaha noo fadhoow...Firqooyin badan foot (vote) ha siin;
1. Fuuqsade feen-kama-tagaa...Oo fara-gooya foot ha siin.
2. Fattaan qabiil-ku-faan ahoo, Ficiltamaaya foot ha siin.
3. Fulay faciis-ka-roor ahoo....Far loogu yeero foot ha siin.
4. Nin fudud oon fariin lahayn...Kala firdhaaya foot ha siin.
5. Fered qabe fadhiid ahoon...Wax ku filnayna foot ha siin.
-----
Adaa fagaaraha fadhee...FARIIDKA feermaada sii
Ama fuluus ku fac naqoo....Qaranka feylihiisa goy.