Tuesday 12 December 2017

ALLAH AYAA NOLOSHA ROGROGA

Nolosha ma jiro qof ku waara xaalad gaar ah oo ALLAH ayaa rogroga.

Qofka awoodda ama xoogga leh oo madax ah ama hanti haystaa abidkii sidaa iska sii ahaan maayo midka daciifka ahina maalin ayuu heer fiican gaaraa.

Midka xanuunsani mar buu ka kacaa halka qof iska fiyoobaa ay tii ALLE u timaad si kadis ah.
------
Ruuxa maalmo taliyee
Sanka taaga waayo ba
Mar buu tabar darreeyaa

Taagooluhuna beri buu
Eebbaha Tawaabka ah
Taageero ka helaa
Oo loo xiraa taash (taaj)

Ruuxa taah la reemaa
Mar bey towstu daysaa

Mid aan talal lahayn oo
Taagnaa aroortina
Tacsi loo dhigaa galab

Taxanaha ayaamuhu
Talantaalli weeyaan
Waana talo Ilaahey
-----
Jaalle Indhageelle 20171213

Thursday 9 November 2017

FARRIIMAHA QORAALKAAGA U MEEL DAY

Qoraal kasta oo aad bulshada u soo bandhigto waa muraayad laga ogaan karo shakhsiyaddaada, waa farriin aad dirayso una dirayso dad kala duwan, waxaa ka dhalan kara wanaag ama xumaan.
Sidaa darteed waxaa habboon:

B- Inaad iska ilaaliso wixii qofnimadaada dhaawici kara, sida; Diin-ka-dheerida, qabyaaladda, aflagaaddada, beenta iwm.

T- In farriintaadu caddahay ood adeegsato hab-qoraal la aqrin karo lana garan karo. Nuxurka farriinta ka sokow waa inaad Far Soomaaliga is sax ah u qortaa.

J- Umadda u soo gudbi wax wanaagsan sida; aqoon aad leedahay oo aad noo kordhinayso, warbixin -wax aan moog nahay oo aad noo sheegaysid-, inaad ka talo bixiso waxyaabo aad waayo-aragnimo u leedahay, maaweelo iyo kaftan iwm.
-------

WQ: M. M. 'Indhageelle'

Friday 18 August 2017

Xaaji Cali C/Raxmaan Fiqi: Jiin yeen, jabow aadmi Ma jalbeebanaysaa.

Meerisyadan oo ka mid ahaa masafo dheer waxaa tiriyay, ALLAH ha u naxariistee Xaaji Cali C/Raxmaan Fiqi oo noolaa bartamihii qarnigii 18aad ilaa 1850-52 oo uu Marka ku xijaabtay.
Wuxuu ahaa caalim diinta faafiya wuxuuna joogi jiray Xijaaz (Sacuudiga) iyo India oo uu ka dhisay masjid ilaa hadda la yaqaan.

Dooxada Nugaaleed ayuu muddo xer badan Diinta ku bari jiray ilaa uu markii dambe u soo wareegay xeebaha Banaadir.

Xogta Sheekha iyo meerisyada jiiftadan uu tiriyayba waxan ka soo guuriyay Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta ee uu Axmed Faarax Cali #IDAAJAA u qabtay laanta Af Soomaaliga ee VOA.

Wuxuu, Rabbi ha u naxariistee, sheekhu yiri:

-----
Jiin yeen, jabow aadmi
Ma jalbeebanaysaa

Jid xun baad ku soctaaye
Jiscin maw helaysaa

Jeesjees miyaa ku habban
Nin asaaggi jiifsaday

Jaankaaga wax fuuli
Jid siraad ma moog tahay

Ninna jaamo uma tolan
Joombiyad na ka af badn

Jileeciisu waa sida tin
Jaahiisna uma kaco

Ninkaan jiirta laga saarin
Duul Jahannamaad noqoy

An la iima jilib dhigo iyo
Jina-tuurku waa been

Muslim waysku wada jooge
Jinni yuusan kuu talin

Nafta waad jeclaydeen e
Jarka hayska xoorina

Jahannamiyo ololkeeda
Ma nin jiir u laa jira

Waa taad u wada jeedday
Ragga jowhartiisii

Maxaa niman jammaamiir ah
Jeexa looga soo kacay

Malaggii jujuubahayay
Ad ma joojinaysaa

Jeer-dhaafki Nabi waayay
Ma jeclaysanaysaa

Qabrigiina kuu jeexan
Loxodkiina kuu jaran

Jiirkaaga dixiraa leh
Meelaha jinaadkaa

Lafta joofa baa hari
Saantaada jilifta ah

Jeer hore waxaad falatay
Jildigaa ku marag kici

Warqad beri ba lagu jiiday
Jeebkaa laguu gelin

Wax adduunki lala joogay
Ma jikaartan baa jira

In qiyaame jiri doono
Ninna yuusan jaaxidin

Jimcahaa dadkuu maraga
Jinnigiyo wannaaskaba

Jalaalaynku wuxu sheegay
Ma ku jaaxidaynaa

An juujaa u dhiman maayo
Aan wax ba iiga juusayn

Adna waano uma jeeddo
Anna waaban jiijaday

Haddii aadan jaqahayn
Hadalkayga jowhara

Jinnigii isha caddaa iyo
Jafariinle kuu tali
----

Wednesday 26 July 2017

HAGARDAAMO

Ururradii ama jabhadihii dalkeenna ka curtay siddeetameeyadii qarnigii hore waxay ummadda ugu soo marmarsiyoodeen inay ka tuurayaa heeryadii Kacaanka ayna u horseedi doonaan nolol iyo maamul ka wanaagsan kii towriga ahaa.

Inay ka raayaan ha joogtee, way ka dareen oo dhibo aan la koobi karin ayay shacabkii u gaysteen, bur bur qax, dagaallo qabyaaladaysan iyo waxyaabo kale oo way habaarsadeen.

Maansadan HAGARDAAMO oo aan tiriyay 09/05/1996 arrintan ayay ku saabsan tahay.

Ururrada halaaggee
Haybaddeeni lumiyee
Ku adeegta haybtee
Hebelladu wataanow
HALOW may maqlaysaan

Hal abuurka gabaygiyo
Howraarta maansiyo
Halka laydin leeyahay
Hoos miyaad u dhugataan

Ururrada halaaggow
Waxba yaanad hogadiyo
Hanfidiyo kulaylkii
Har qabow ya raaxiyo
Hoos noogu dourine

Waxba yaanad heerkiyo
Halkii aan sugayniyo
Hammigeenni gaarine

Waxba yaanad hiil iyo
Hoo nagu gar gaarine
Waxba yaanad hoog iyo
Halis naga bad baadine

Waxba yaanad hebed iyo
Hayin noo ahaannine
Ummaddo hanqaarrayd
Waxba yaanad hogob iyo
Howd caleen leh gaynine

Holac iyo kulayl iyo
Hongorriyo war yaydnaan
Hafeef naga baxnaanine

Haddaynaan halaaggiyo
Noo horseedin baaba’a
Hilibkeenna cayriin
Aydnaan u warin haad
Haddaydnaan isma hurtada
Hayb hayb isugu layn

Haddaynaan kun haaddiyo
Kun ka daba hablaysoo
Haybaarinaysiyo

Xayn kaloo habowdoo
Ka huleeshay Diintiyo
Hiddihii wacnaa iyo
Hablo laysu guurshiyo
Hub-qaad wiil ahoo gaal
Ardaa kula hoyaadoo
Haweenaysanaayiyo

Horin maanyo qaaddoo
Ku halaagmay gebi iyo
Howdka qaar ku lumay iyo
Hal lawaayay naga dhigin

Haddaynaan halyeeyiyo
Gebi howlkarradi iyo
Hooyiyo sibyaantiyo
Hudqaylladi innaga marin

Hayinkii la dhaanshee
Cunay heeryadiisiyo
Aydnaan noqon halkii gabe

Haddaynaan huf iyo been
Iyo hees walwaaleed
Huuhaa innnagu sabin

Haddaydnaan na badin halis
Haddaynaan dab nagu hurin
Haddaydnaan huf naga dhigin
Haddaydnaan hog nagu ridin
Haddaydnaan hul nala gelin
Haddaynaan hankeenniyo
Dilin haybaddeennii

Idin maaban hiifeen
Maansadan ha’layda ah
Habeennimo ma tiriyeen
Haaraamid iyo liid
Idinmaan hibeeyeen
Bulshaduna dul iyo hoos
Idin may habaarteen

Hoy hoy waryaadaha
Ummad waxad halaagteen
Hanti waxad bur buriseen
Howzer waxad ridayseen
Halgan waxad ku daasheen
Halkee baad ku gaarteen

Hubka laba dhacleeyiyo
Hoobiyihiyo taangiga
Heedhe yaad u sidataan

Halgankaan dhammaanine
Had ya goor la sheegiyo
Hididiilladiinnani
Halkee bay ku idishahay
Hadafkiinnu waa maxay

Kollay haanti marataye
Ma inaad haruubkana
Hambashada ku dhiman iyo
Hoorkaba liqdaan baa

Aabbihii halaaggiyo
Halyaygii kacaankiyo
Ma inaad habaar qabe
Halkiisii gashaan oo
Ninba haybta tiisa ah
Halka ugu sarraysiyo
Hoosta ugu dambaysee
Gebi howsha qarankaba
Laga hago ku ururshaa

Heerkay maanta joogtiyo
Siday haatan tahay iyo
Ma inaad halkeennaa
Nagu haysataan baa

Hayhaata weeyaan
Hammigiinni waa ba’ay
Maalintay habboonayd
Dadku heellanaayeen
Halhayskiinna been iyo
Halki aad tiraahdaan
Halhaleel ayidayeen
Hoostiinna joogeen
Xoog iyo hantiyo maal
Iyagoon hagranahayn
Idiin wada huraayeen

Adinkaa hareer maray
Hilinkii wacnaa oo
Hasha caanaheedii
Heshiis maali waayaye
Haatanoo kor iyo hoos
Hagardaammadiinniyo
Booraanti hadimiyo
Hoddii lagu baraarugay

Haldhaa waxad masloon tiin
Habeen uu u dumayoo
Gudcur uu hareeyoo
Hareer uu u leexdiyo
Garan waayay hilinkii

Ama ruux hir qaadoo
Ku harqaday bad wayntoon
Holi karin dabaal oo
Xunbo gacan u haadiyay

Intaan hadallo soo iri
Halla kama jiraan iyo
Huuhaa iyo haddii aad
Hanjabaadya bootiyo
Mooddeen huf iyo been

Had dhow waxannu dhowrraa
Sida ayga haramkoo
Harka maalinnimadii
Soo maray haloosiye
Haweenkiyo carruurtii
Hareer kala mareen ooy
Hanqar kaga dhigeen dhagax
Hooshna ay ku qaadeen

Adinkoo habkaasoo
La hal maala kalabkaa

Intay hadi haddeer tahay
Haajiroo innaga taga
U hayaama meel kale
Hortiinnana shar iyo baas
Hoog iyo mixniyo belo!!

Waxaa Tiriyay:
Muxumed Max’d ‘Indhageelle’
Muqdisho - 09/05/1996

Sunday 23 July 2017

LIBIN NINKEED BAA LEH

Rag sooc ah oo ku hubaysan waran, fallaar, tooreey imw ayaa beri loo diray inay soo dilaan libaax deegaankooda dhib ku hayay oo dad iyo duunyoba galaaftay.
Way raadiyeen aakhirkiina way heleen. Sida la fili karo raggii badi way baqeen markii ay libaaxa indhaha ka qaadeen. Ha yeeshee geesi guutadi ka mid ahaa ayaa libaaxii u bareeray oo dhowr jeer waran iyo ableyba la helay. Wiilkii laftiisana dhaawac xun baa gaaray.
Libaaxii iyo inankii oo isku ag dhacay ayay raggii geedaha gadaashooda ku dhuuntayi mar qur ah mud soo dhaheen dabadeed libaaxii oon tabar hayn oo naflacaari ah ayay mayd-dileeyeen.
Intaa ka dib, guutadi waxay reerihi ku laabteen iyaga oo sida wiilki oo dhaawac ah iyo madaxii libaaxa (madaxa oo la keeno waxay caddeyn u tahay in asuudki la dilay).
Oday malaha duullaanka u da' waynaa oo sidi howlgalku u dhacay bulashadii warbixin ka siinaya ayaa ayiri "Halkaas iyo halkeer baannu ka raadinnay....oo halkaa iyo halkaa baan sii marnay....barqadii isaga oo geed jiifa ayaannu helnay oo kolkaa warmaha halgaad uga dhignay....."
Odaygii oo halkaa sheekadii marinaya ayaa inan raggii ka mid ahaa qaadan waayay sida uu odaygu u libin-xasdayo wiilkii aarka dilay. Inta uu is hayn waayay buu yiri " Adeer, bahalka nin baa dilay una dilan ee ma la halakaysanayaa...!?"
Dhab ama sheeko-xariiro tey doonto ha ahaato ee, dulucda sheekadu waa in LIBINTA LOO QUURO RUUXA LEH ee  aan la halakaysan!

Wednesday 24 May 2017

DHALLINTA DALKU MA WADA AHA JAAHIL IYO JIRRI

Dalka waxaa jooga dhallinayaro aqoon leh, xog-ogaalna ah oo dalka gudihiisa ku sugnaa muddoo dheer waxna ku bartay aanna dhan uga bixin teer iyo maalintii ay dhasheen. 

Way tiro badan yihiin xirfado kala duwan ayayna barteen iyada oo ay u dheer tahay inaysan dalka meelna uga socon haddii aan taas dadab ama toos loogu dhalin.

Haa....Waa haddii aan lagu dhalin! Waxyaabaha ku dhalin kara waxaa ka mid ah in shaqa bixinta dalka lagu daro -ugu yaraan si dadban- shardi ah in qofku qurbaha ka yimid.

U fiirso boqolkii imisa xildhibaannada, wasiirrada, taliyayaasha, agaasimayaasha, guddoomiyeyaasha iyo mas'uuliyiinta kale ee heer qaran ama gobol ayaa dibadda ka yimid? Waa intooda badan sow ma aha? Haddaba sow tani ruuxa dhallinyarada ah kuma dhalin karto inuu tahriibo si uu mustaqbalka tixgelin u helo.

Dhallinyarada dalka joogta intooda badani waa kuwo ka xalan dhaqamada xunxun xaq bayna u leeyihiin in la siiyo tixgelinta 1aad MAR KASTA ee ma aha in howl ay qaban karaan ay marti uga ahaadaan qaar iyaga la mid ah ama kaba sii liita.

Xaashaa lillaahi, ujeedkaygu ma aha inaan faquuqayo qurbo-joogta ha yeeshee waxan meesha geli karin in dhallinta dalka jooga oo aan shakhsiyan xogogaal u ahay aqoontooda, kartidooda iyo daacadnimadooda la fogeeyo oo meesha laga saaro oo waxba ama wax yar uun loo oggolaado.

Waxaan hubaa in madaxdu aysan xog badan ka haysan aqoonta iyo kartida wiilasha ama abadhaha dalka jooga ayna ku qafilan tahay la-ahaansho (perception) aan sal lahayn oo ah in dadka dalka joogaa ay yihiin jaahiliin iyo jirri. 

Sida aan ka maqlay RW Khyare, mujtamaca 70% waa dhallinyaro marka fikirka ah in dadka intaa la eg la is moogaysiiyo waa qallooc, waa cadaalad darro, waa talo xumi, wuxuu hab-dhaqankani si toos ah u dhiirrigelinayaa tahriibka iyo kaba sii darane in la nebcaysto dowladnimadaba sidoo kale waxaa sii fogaan kara in Soomaaliya ay ka soo kabato dhibtii. 

Si looga badbaado dhibaatooyinka kore ee ka dhalan kara hab-dhaqankan waa in dhallinta la siiyo mudnaantooda si taas loo helona waxan soo jeedinayaa;

(B) In madaxdu baaritaan ku sameeyaan kuna baraarugaan heerka aqooneed iyo karti ee dhallinta dalka joogta ayna abuuraan xafiis u xilsaaran xiriirka dhallinyarada hadduu jirona la xoojiyo kaalintiisa

(T) In saxaafadda, jaamacadaha iyo macaahidda dalka ku yaal ay u ololeeyaan xaqa dhallinyarada oo ay qabtaan barnaamijyo iyo doodo arrintan ku saabsan si farriintu u gaarto madaxda.

(J) In dhallinyaradu samaystaan ururro u dooda una ololeeya kaalintooda. Waxaa wnaagsanaan lahayd inay lahaadaan faracyo ku salaysan xirfadahooda kala duwan. Waana inay ka fogaadaan qabyaaladda oo ah midda dalkeenna iyo dadkeenna ba la hartay oo magacii Soomaaliyeed dishay ee is walaashadaan meel kasta oo ay joogaanna ay xirfad-wadaag noqdaan.

(X) In dhallinyaradu ay si aan qalalaase lahayn uga gadoodaan bannaankana keenaan gardarrada ka dhanka ah iyaga oo ku soo bandhigaya saxaafadda, kulamo ay qabsadaan iyo baraha bulshada.

(KH) Dhallinyarada dal-joogga ahi waa inay difaacaan oo garab u noqdaan kuwooda xil ama mas'uuliyad haya haddiiba la doono in si caddaalad darro ah xilka looga qaado.
------
Mahahdsanidin.

Muxumed Indhageelle.

Thursday 11 May 2017

ORAAHYO FAA’IIDO LEH

Marka Afsoomaaliga si edebaysan loogu hadlayo waxaa jira erayo laga hormariyo la dhex-geliyo ama ba lagu soo xiro hadalkaaaga.
Erayadani ma aha maahmaah laakin waxay u dhigmaan afeef oo kale waxay na muujiyaan qofka adeegsanaya akhlaaqdiisa sida edebtiisa, ixtirmaakiisa iwm.

1. “Cad iyo caano loo tiriye..” waxaa la adeegsadaa marka aad doonayso inaad soo qaaddo tiro ama cadad. Tusaale ahaan qof ayaad waydiinaysaa tirada carruurtiisa. Halki aad dhihi lahayd “Carruurtaadu waa meeqa” oo mutuxan ayaad ka hormarinaysaa ama raacinaysaa “Cad iyo caano loo tiriye meeqaa carruur ku joogta?”. Macnuhu waa inaad meesha ka saarto in su’aashu noqoto cowri (ilaysi ama qumayaysi).
2. “Far nacab kuma fiiqine…” oraahda kore si u dhow ayaa loo adeegsadaa waxaa badiyaa laga hormariyaa markaad soo qaadaydo cayil, naaxsanaan, qurux iwm. Tusaale ahaan rati naaxsan ayaad aragtay oo aad doonaysaa inaad ogaato ruuxa iska leh qofkii kula joogay ayaad leedahay “Far nacab kuma fiiqine ratigan yaa leh?”
3. Qof arrin ka hadlaya ayaa ka ilduufay (illoobay) dhacdo yar oo sheekada ka mid ah markaas ayaad doontay inaad xasuusiso meesha uu hilmaamay. Hadalkaaga ku billow “Hebelow, addigaa ku watee…, Kaama sugi wayne…..” Marka uu soo xasuusto na sheekada u daa ku dheh “Noo sii wad marka….” 
4. Weli qof ma kugu yiri “Kuma na mudna ee kabaha gadaashaada yaal ii laal ama ii soo qabo” Waa ixtiraam illayn kabaha badiyaa nadaafad darro ayaa lagu yaqaan marka qofka kuu soo qabanaya ayay weerahan looga cudur-daaranayaa. 
5. Koox dad ah aayaa arrin ka warbixin lahaa, mid iyagii ka mid ah ayay u xusheen inuu hadalka jeedjiyo.Marar badan waxa ruuxaasi hadalkiisa ku billaabaa “Aan ku dheelee…” isagoo dabcan muujinaya inay kooxda ku jiraa dad uga habboon gudbinta farriinta.

Oraahyada noocan ahi way badan yihiin waan na daah furay uun markaasi waxan codsanayaa in qof waliba wax nagu kordhiyo.

Mahadsanidin.

Thursday 4 May 2017

SAXAAFADDA SOOMAALIYEED IYO NABADAYNTA DALKA

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha aadka loogu dhibaateeyo suxufiyiinta, garannay. Haddaba maxaa xal ah?

Waxaa habboon in warfidiyeenku ka shaqeeyaan wanaagga, nabadeynta dalka iyo isu soo dhoweynta umadda si taas loo helo yaan la yamxeerin dadka garasho yahanka ah ee fursad ha la siiyo kuwa samaha ka shaqeeya kana maaga siyaasadda qabyaaladaysan ee waayahan jirta sida: duubabka, culimada, aqoonyahannada, xirfadlayaasha (professionals) kuwi hore iyo kuwa dambe, sugaan yahannada, iyo guud ahaan dadka samo-ka-taliska ah.

Taasi waxay qayb ka qaadan kartaa in nabad lagu noolaado shacab iyo warfidiyeen ba.

Haddiise shaqadu u badato dhanka colaad hurinta iyo iska horkeenka ummadda lana buunbuuniyo duulka howlahaas ku aqdaanta Soomaaliya way ka sii mid ahaan doontaa meelaha lagu gummaado shacabka iyo suxufiyiinta ba.

Soomaaliya oo mid ah oo nabad ah!

Thursday 20 April 2017

MID KA MID AH MASAFOOYINKII SH. AXMED ‘GABYOW’

ALLAH ha u naxariistee, Sh. Axmed 'Gabyow' wuxuu ku dhashay Degmada Cadale 1844 isla Cadale ayuuna ku geeriyooday 1934 .
Wuxuu caan ku ahaa tirinta Masafada isagaoo dadka ku wacdin jiray. Sida aan ka xigtay Xuseen Sh. Axmed ‘Kaddare’, Sh. Gabyow wuxuu gaaray heer uu aayad kasta oo Qur’aanka ka mid ah tafsiirkeeda ku gudbiyo tix masafo ah. Dadka qaar waxayba Sheekha ugu yeeraan Sh. Axmed ‘Wacdiyow’.

Wacdiga keliya kuma ekayn ha yeeshee wuxuu sidoo kale qayb weyn ka qaatay halgankii looga horjeeday gumaystayaashii isaga oo maasadiisa adeegsanaya ayuuna ummadda ku wacyi gelin jiray inay ka hortagaan.

Waxaa la wariyay in Sh. Axmed ‘Gabyow’ uu maalin soo maray dhallinyaro caways tumanaysa ka dibna isaga oo barbaartaa wacdinaya ayuu u mariyay masafada soo socota.
----
Shaharki Soon iyo shaatadii dago
Haddii la sheelay shanti salaadood
Shiitkiyoon sharcigeennu sheegayn
Shabashabo shuqulkooda haysiin
Iminki shuushku idiin yimaadoo
Sheeggu dhummoo shuqo laysku soo tolo
Labada shuulana laysku soo shiro
Shanshooyinkiinnana laysku shiil jaro
Sharqi xaggiis shacrigiin la aaddiyo
Shillal ka hoos shacshac laysku shaaqalo
Shaydaankinow qabrigiin ku soo shiro
Oo shiddo dhacdaa la shallaayi doonaa
Sheeggaygase shaqshaqaad ka yeesheen!
-----

RABBI  Sheekh Axmed ha ugu deeqo Jannatul-Firdosa Al-aclaa.....Aamiin

Thursday 6 April 2017

FAA'IIDADA AQRINTA QUR'AANKA KARIIMKA AH





Noloshayda qoraallo ay dad kala duwani leeyihiin oo badan ayaan aqriyay; buugaag kala luqad ah, maqaallo kala dan ah, sheekooyin ku saabsan mowduucyo kala fog-fog ,..... imw balse weli ma arag mid anfac ku gaara aayad Qur'aan ah ama hal Xadiis. Aqoon baa kuu kororta, Niyaddaa ku degta, Oogada (jirka) iyo uurka (ruuxa) ayaa ku bogsada oo dawo ayay aqrinta Qur'aanku u tahay Stress, wel-wel, degganaansho la'aan iwm adigu ba tijaabi.
Intaa oo dhan waxaa sii dheer oo ka sii qiimo badan ajar aan la koobi karin oo kayd aakhiro kuu ah.
Ogow halki xaraf oo keli ah (Ma aha kalmad ee waa xaraf) ee Qur'aan ah oo aad aqrisaa ugu yaraan 10 ajar ayaad ku helaysaa.
Aan ku dadaallo inaan maalin kasta Qur'aanka ka aqrinno hadba inta aan karno, muhimaddu waa joogtaynta.
Qasab ma aha inaad Qur'aanka gebigii ama qayb badan oo ka mid ah xafidsan tahay ee inta aad taqaan aqriskooda ku celceli ku na dadaal inaad barashadiis sii kordhisato.

Tuesday 4 April 2017

DHALLINYAHAY KA QIIROODA

Qayrkaa wuxuu yeelo
Waad qaban karaysaaye
Quustiyo ilmada jooji

Adoo qaba lixdiyo maanka
Qab-jab iyo waxaa ceeb ah
Qof kaleeto saarrow e
Dhallinyahay ka qiirooda

Quuradiyo ka toos jiifka
Ku dhaqaaq qorshaha kaa ah
Dabeed Qaadir talo saaro
-----
Indhageelle 20170329

 

WAA DUNI YA XAALKEED


Ceebta aad ka durugtaa
Duul kale ku baanaa
Nin meeshuu ku daaloba
Nin kalaa u diimoon
Dab munaafiq shiday bay
Daacadi ku gubataa
Doog baxay gugii bay
Dayrtuba ku faantaa
Waa duni ya xaalkeed!
----
Indhageelle 20170401