Saturday 30 May 2020

HABEENKII CANJEELO DAAFI IIGU HORRAYSAY IYO TII IGA RAAVDAY. WQ: GOODIRKI HOWD

Sheekadan waxaa qoray Mudane Maxamed Cabdi oo Facebook ku soo gala Goodirkii Howd.
Waa maad iyo qosol waxaanse aad ula dhacay sida farshaxannimda sare leh ee uu soo gudbiyay iyo af Soomaaliga uu adeegsaday.
-------

Habeenkii Canjeelo Daafi iigu horraysay iyo tii iga raacday.😂

Mid aan qaraabo ahayn oo aan is iri waalidkiisaa inkaari uga dhacdayoo aan meel roonba waligiis marin, baa inta habeen i duufsaday wuxuu igu yiri: inaka keen magaaladaan ka soo cashaynaynaaye. Show ninku xoogaa lacaguu igu arkay illeen shalaan neef gataye aniguna iska reer Miyi baan ahaye anoon war hayn baanne: haye ina dhaqaaji waliba magaalada waan xiisaynayaa. Gurigii goortaan ka baxnay oo aan xoogaa sii soconnay, buuye: sxb naago ma inoo wacaa? Saanne "maxay yihiin naaguhu?"  Suuye "dee waa naago caadiya" saanne " oo see u galaynaa?" Suuye way na raacayaan, way nala soo cashaynayaan, waana iska baashaalaynaa" saanne "oo ma waan dad dhalin naagaha xaggee se iska taaganyihiin ma hadimaa?Suuye "war ka bax adiga howshaas ninyahow oo soft iska dhig Looxnimo lama rabee" saan shib baan ka iri. Haddiiba Moobeel ballaran buu inta la soo baxay oo lanbar garaacay buu goortii laga qabtay inta si yaroo nacasnimo-nacasnimo leh oo aanan ka helin inta u hadlay isagoo waliba is qalqalloocinaya wuxuu yiri: xabiibi soo bax oo meel hebla aan isugu nimaadno mar dhow, gabadhii sxbtaa ahaydna soo kexee nin aan sxbo nahay baa ila socdee. Goortuu Taleefonkii jaray buu isagoo qoslaya inta ugu soo jeenstay waan dabo socdaye wuxuu igu yiri: sxb waa isku aaddantahay nasiib baan leennahay, wlhi haddaad arki lahayd qofta kuu soo socota..caadi maahan waxbaa ku xiran ee yaan lagaa garan. Markaasaan anoo baqbaqaya balse is adkaynaya hoosna ka rabraba wuxuu sheegayo waxaan iri: bal aan aragno.

Wax yar goortaan u soo jirnay meeshuu naagihii kula ballamay iyagiina show waa dad Alloow cid idiinka nuunuusii is lahaaye ay wicitaan nagala daaleen oo meeshii ay mar horeba yimaadeen, buu inta luuq mugdiga nagu jabshay isagoo iga hataq-hataq siinaya wuxuu igu yiri: sxb is habee dee oo isteelka naga sax. Waxaan qabaa anigu Macawis ruuggagga ii joogta iyo Shaati coodcood leh Toorrayna way ii xirantahay aanan waligay dhexdayda ka furin, Ushiina garabkay ii saarantahay, guntigana labo boqol (200 sh. So) baa iigu jirta, jeebka sare oo shaatigana waxaa iigu jira tubaako, shanlo, muraayad, xooga lacag ah iyo bokis makiinado ah. Anoo yaabban oo ninku wuxuu sheegayaba si u fahmi la' baan inta macawistii suunkii ku giigsaday, jeebkiina badhankii u xirtay lacagtii guntiga iigu jirtayna dhabarka u wareegsaday, toorraydiina soo dhawaystay waxaan iri: ina dhaqaaji waan diyaarsanahaye oo markaa xoogaa sas ah baa igu jiroo si baan u dhegotaagalaynayaa waligayna cid ma aamminin. Waxaa kaloo igu qafilan oraahdii ama maahmaahdii ahayd ;dagaal gondahaaguu ka dhashaa.

Luuqii mugdiga ahaa haddaan ka soo kudnay, haddiiba waxaan la soo kodolnay gabdhihii oo taagtaagan meel layrar badan oo maqaaxiyo cunto hortood ah. Kii markuu gabdhihii isha qac ku siiyay iyagiina ay indhaha nagu dhifteen bay labadoodii is garanayay inta isku soo boodeen dhabannada iyo shafka isasa saareen, labadayadii la kala watayna qofba dhinac buu istaagay waliba anigu goortaan wax luqmaha isla dhaafdhaafaya arkay iyo gabdhaha afafka cas, baan awal baan fiigsanaaye dib uguryooday ilaa labo tillaabo walow iyadu markii hore ay xaggayga u soo dhaqaaq-joogsanaysay iyadoo dhoosha ka qoslaysa hoosna yara eegaysa asii markii dambe ee ay aragtay saan u didsanahay iyo qabbaalkayga anoo inta lugaha is dhaafsaday ushii barida gishadayoo ku istaag-fariistay Tubaakana inta la soo baxay takhsiin ku tuuray kulul ay igu soo dhiirranwayday. Kii iyo tii goortay kala dafeen bay inta nagu soo jeensteen isagii wuxuu yiri "sxb barasho wanaagsan qoftaan waxaa la dhahaa heblaayo waa hebla sxbteed waana qof wanaagsan" misana iyadii buu inta ku jeenstay wuxuu ku yiri "abaayo ninkaan waxaa la dhahaa Goodir waa nin fiican wuxuuna dhab u xiiseeyaa oo jecelyahay dhaqanka iyo hiddaha sow ma aragtid labiskiisa? Laakiin waa reer magaal is nacay oo wax badan fahamsan."  Ma aqaan waxa beenta ku watay wayse male habboontahay inuu is yiri gabadhu yaysan ninka ka didin oo aan lagu oran maxaad axadka geelaa noogu soo kaxaysay. Kkk

Xoogaa haddaan meeshaa taagtaagnayn anigiina uusan wali butulli afkayga ka soo bixin ee aan digtoonoow isaga jiro, baan waxaan u dhaqaaqnay dhinicii maqaaxida cuntada markaasay kii iyo tiisii gacmaha is qabsadeen iyagoo hoos qosol iyo sheeko nuxnux ah isugu gurbinaya, taydiina intay igu soo Dhawaatay bay damacday inay gacanta iyana i qabsato sidii kuwiiyoo kale balse maxay kuugu taallaa labadayd gacmood mid ushii oo garabka ii saaran baan ku haystaa midna Toorrayda iyo lacagtaan ku ilaashanayaayoo iyada iyo waxaa wada socda isha iyo dhegta oo heegan baan isaga jiraa meeshana dad kun iyo kaakac ah baa maliingaynaya oo qaar waliba ay hubaysanyihiin. Waxaan gabadhii ka faagto oo aan sidii neef il la' u socdaba maqaaxidii baan gudaha u soo galnay afartayadii. Labadoodu waa ay naga horreeyeene intay sii gudbeen bay labo kursi oo iska soo hor jeedoo khaas ah ku farfariisteen, markaasaan anigu illeen ninkaas aan wada soconnay baan kor ka ilaashanayaye inta kursi meel yiillay jiitay xaggiisii la aaday si aan u ag fariisto. Isagii goortuu arkay anoo kursigii soo jiidanaya iyo gabadhii oo aan meel cidlo ah uga soo tagoo iska taagan, buu inta soo booday oo iga horyimid wuxuu igu yiri: war nacallaaye ha ina ceebayne orod qoftaada la fariiso oo wax dalbada caadi iska dhigoo qoftuna waa ay kuu khalkhalsantahaye iga qabo sxb, saan inta isku naxay baan gadaal soo fiirshay mise qoftii halkaanay soo taagantahay oo anay i eegaysaa xoogaa illaah baa na lehe waa ay qurxoonayd. Markaasaan inta warkiisii run mooday oo u qaatay naagtu inay i rabto baan isaga soo laabtay dabadeedna labo kursi oo meel cidlo ah yaal baan fariisannay.

Wiilkaani shilin lacag ah ma uu hayo oo waa xayraan isaga iyo naaguhuna waxay ku heshiiyeen inay xoogaaga guntiga iigu jira dabka saaraan caawa oo show waaba la isugu kay afjaaqay shuftaana dhexda uga jiraa dad xoolihiis ku mabay sidii habeenba mid anoo kale ah loo qalin shubataysanayay. Labadii xagga ahaa mar horay wax dalbadeen annagana Kabalyeerigii oo ay noo soo direen baa daqiiqado kadib na soo dul istaagay oo yiri "day dalabka." Anigii goortaan ninka uskagga badan oo Middiyaha sita arkay baan inta giir iska kacshay doc isaga dadbay. Laakiin gabadhaa waligeed meesha taqaanayoo wax ka cuni jirtaye waxay ku tiri "soo Daafidii ma taal "Suuye "haa" sayte "labo haaf oo habaysan na sii" suuye "ma isku dhiish baa mise waa kala socod?" Sayte "isugu kaaya soo darba" Intuu ninkii naga maqnaa bay inta ila hadahay iyadii waxay igu tiri "aboowe daafida ma cuntaa?Saan anoon garanayn Daafi waxa ay tahay baan iri "walaale wixii Alle calaf iigu daro oo oon islaameed ah waan cunaa" say waa iga aamustay.
Wax yar ka dib buu Kabalyeerigii Xeero kuwii Allebariyada oo kale ah isagoo la rooraya inta i dul marshay Miiskii dhexdayada ahaa saaray oo naga sii gudbay. Waxa Saxanka ku jira waligay ma arag sanuun baana ka soo kamkamaysa sanka kaa galaysa Qiicna waa ka muluufaadayaa anoo aan cunin baana ku saaqmay. Waxaa intaa sii dheer, anigu maahi jirahay iyo joogahay ninka qof dumar ah wax la cunay faraheeda malmalliiqsan oo cillaanka lehna si baan uga wiswisay. Gabadhii inay biyo yar oo faroxal ah sacabka ku shubatay oo xeeradii gacanta galisayoo hilib yar soo qabatay bayte "boowe keen afka kuu galiyee iyadoo qoslaysa saan dhowr jeer baan damcay inaan kaco markaasaan haddana inta is ceshay oo ninka; ha na ceebayn tiisii soo xasuustay iska fadhiyay. Gabadhii goortay labo jeer qaadatay wixii aniguna aan wali fiirsanayo say wax leedahay marna aan dhuganayo kuwii kale oo bahashii ruuqayoo aysan kaba qasnayn, baan inta ushii dhigtay oo gacmihii xaydxaydtay waxaan go'aansaday inaan bahasha faraha gasho ceebi waa labo afmaroojise oo waliba aan mar inta u qaato gabadha inta kale iyada aan uga baxo. Ninkaas Cagafta Burka ah labada jeer rudi jiray oo haddana calaacalaha waawayn baan ahaye intaa saxanka wixii ku jiray kala bar xaabsaday baan haddiiba afka ku kiisay oo intaan amaanyuugay oo amaanyuugay hal mar sii daayay jiriiririg dig. Allaylehe hal mar hawadaa la ila aaday oo dhegihii qiic iga baxay, indhihiina biyo i soo duuleen, sankiina duuf iga soo daatay. Qowlalladii, dhabxanaggii, carrabkii iyo dhuuntiina holac baa la iiga shiday baraas ah. Saan inta kor u booday oo xiddigaha galay baan miiskii sansada ku siiqaatay oo garaafe biyo ah iyo saxankii xoogaagii ku haray gabadhii oo meesha soo yuururta dhalada kaga keenay, ushaydii iyo Go'aygiina inta horay u soo dafay bannaanka uga kuday maqaaxidii anoo sidii neef afgorofow qaba gafuurku tulux i yahay.😂

Gabadhii iyadoo dharjaanta ah bay meeshii ku qallashay, kiina inta iga soo dabo booday buuye isagoo kardhanaya oo yaabban: war heedhe maxaa kugu dhacay? Saanne "hooyadaa baa nagu dhacdaydhalaye caawa meel gala adiga, naagta xunta ah iyo kan maqaaxiduba tuugyahay tuugtu dhashay is bahaysatay galkana waan ka doontay gal-ka-maqantii xiiiiiq. Talo farahay ka haadday ummaddii oo dhanna waa isu soo baxday, qof ii soo dhawaadana waa la waayay. Kii xaafaddii buu inta wacaday u warramay waxa dhacay in yar kadibna gaari xiimayaa inta iiyid oo rag wataan xaafaddii i geeyay. Tin iyo ilaa cirib dhidid baa iga dililiq leh caloosha, dhuunta iyo afkana waxaad i mooddaa in ood Xanan ah la iiga soo jiiday caygiina waa iga dhammaaday. Dadkii haddii ay i waraysteenna waxaan ku iri: xaaraanta xaaraantu dhashay Dhallaandhuux bay iga dharjiyeen caawa, markaasay iyaguna qosol la kala daataan oo ciilkii iyo caradii i haysay iyo waliba xanuunkii ku cammirasho iigu sii daraan, habeenkaasna laabjeex iyo calool majiir baan la seexan waayay. Waxaasoo dhan waxaa iiga darnaa oo ay ammuuri dhacday, subixii markaan inta suuliga galay ay dhowrka iniinood oo aad dhimbilaha dabkaa moodid i soo dhaafeen oo aan suuligii orodka uga soo baxay anoo dabada sacabka ku haya dabadeedna intaan salka dhulka dhigi waayay aan heedhe fariisi caadiya iyo kortagidba ka waashay oo aan todobaadka dhanoo dhigaysan kadaalliga ku waashay sidii qof feexi ku taal ama baabasiir qaba.😂😂😂

Kii habeenkaas aan raacay wali hadda waan nebcahay bahashii jinnina af dambe uma celin balaaya ha cuntee dabka iyo naxartaa.😂

Wadeeca Allah.

No comments:

Post a Comment