Wednesday 23 September 2020

Macallinka Macallimiinta: CABDIRRASAAQ M. XAASHI. WQ. Xuseen Sabriye


Qoraalkan hoose wuxuu si kooban uga hadlayaa -ALLAH ha dhowree- Bare sare C/Rasaaq Maxamed Xaashi waxaana diyaariyay Macallin Xuseen Sabriye September 23,2020.

-----

Abaal aan duugoobeyn ayuu ku leeyahay bahda waxbarashada. Muddo nus qarni ku dhow ayuu ku dhex jiraa waxbarashada dalka. Todobaatameeyadii ayuu macallin iskuul noqday, waxayna dowladdii dhacday isagoo bare ka ah kulliyaddii waxbarashada Lafoole. Burburkii kadib, horraantii sagaashamaadkii ayuu macallin ka noqday iskuulka Imaamu Shaafici oo uu waagii dambe kormeere ka ahaa. Dhammaadkii sagaashameeyadii wuxuu macallin ka ahaa iskuulkii National Computers oo lagu baran jiray cilmiga Kumbiyuutarka. Wuxuu ka mid ahaa macallimiintii udub-dhexaadka u ahaa kulliyadda Kumbiyuutarka ee jaamacadda SIMAD oo uu ku biiray 2000, wuxuuna kaalin mug leh ka qaatay aasaaska kulliyadda Kumbiyuutarka ee jaamacadda Banaadir.

 

2009kii ayaan ku bartay Ceelasha Biyaha isagoo macallin ka ah machadka Kasmo ee lagu barto Sayniska, oo uu isagu wax ka aasaasay. Wuxuuna ka mid ahaa aqoonyahanadii 2010 aasaasay jaamacadda Jazeera oo uu ka soo noqday madaxa waxbarashada iyo hormuudka kulliyadda kumbiyuutarka.

 

2013kii ayuu iskuul aan macallin ka ahaa nagu siiyay tababbar ku saabsan macallinnimada iyo habka waxdhigidda oo wax badan ka bedelay sidii aan ardayda ula dhaqmayay, micno badanna u yeelay habkii aan wax u dhigayay. In ardayga wax la fahmsiiyo oo aan la xifdisiin wax uusan fahamsaneyn, cashirkana lagu dabbaqo nolosha si loo soo saaro arday xirflad leh oo xallin karo baahiyaha suuqa ayuu nagu tababaray.


In aanan ardayda la dilin ee la jecleysiiyo waxa la barayo ayuu na baray. Ma halmaamin tusaale uu noo soo qaatay. Wuxuu yiri: anigoo Bakaaro dhex maraya ayaa nin i salaamay, wuxuuna igu yiri: ustaadow waxaan ahay macallin Dugsi. Youtube ayaan kaa daawaday adigoo macallimiin ku tababaraya in aan carruurta la la garaacin, ee seen wax yeelaa? Waxaan ku iri: macallinow ardaygaada Qur’aanka bar, maalinka qiyaamana yuusan ku dhihin: Allow aniga macallinkaan ayaa Qur’aanka i nacsiiyay.

 

Waa bare iyo barbaariye uu laxaw badan ka hayo dhalinyaradeenna iyo mustaqbalka carruurteenna. In uu si fudud oo maangal ah dadka wax u fahamsiiyo ayuu fariid ku yahay. Xusuusteyda kama go’in dhacdo uu maalin iiga sheekeeyay. Wuxuu yiri: jaamacad aan macallin ka ahaa ayaan ku arkay gabar arradan oo xiran dhar khafiif ah oo ku dheggan. Si hoose ayaan ula hadlay, waxaana ku iri: gabadheydiyey ma jeceshay in aad dhimato adigoo dharkaan xiran, oo aad sidaan Alle kula kulanto? Waxay igu tiri: Maya ustaad. Subxaanallaah. Maalinkii xigtay ayay gabadhii oo si fiican u asturan jaamacadda iigu timid, waxayna igu tiri: shalay waxaad igu dhahday erayo qalbigeyga taabtay, waxaana kuugu imid in aan kaaga mahadceliyo.

 

Waxaa jeebkiisa ka buuxo tusaalayaal nololeed oo uu si fudud ardayda wax ugu fahamsiiyo. Ma xusuusto maalin aan la kulmay oo aanan wax ka kororsan. Haddana waxaan arday ugu ahay xarunta tababbarka ee Bakka oo uu wax ka aasaasay, kuna bixiyo tababarro wax-ku-ool ah. Kama daalo in uu mar kasta igu yiraahdo "Baro diintaada, oo ku dadaal in aadan marti ka noqan"

             ---Bare sare (Prof.) C/Rasaaq (midg) iyo Mc. Sabriye---

Waa macallinka macallimiinta Prof. Cabdirisaaq Maxamed Xaashi. Sawirku waa aniga iyo ustaadka oo noo soo xiray tababar ku saabsan saykoolojiyadda waxbarashada oo uu siinayay macallimiinta jaamacadda Jamhuuriya.

“Waxaan ka walwalsanahay in aan la iska warsan doonin abaalka ay nagu leeyihiin dadkii lafdhabarta u ahaa waxbarashada dalka waqtiyadii adkaa ee burburka lagu jiray, oo uu ugu horreeyo Prof. Cabdirisaaq Maxamed Xaashi” 

Waxaan hadalkaan ka maqlay saaxiibkiis ustaad Maxamuud Axmed Jimcaale, guddoomiyihii hore ee jaamacadda Jamhuuriya oo ay ustaadka soo wada halgameen.

No comments:

Post a Comment